Dowladda Ugaandha oo Dalkeeda Taalo Uga Dhistay Sarkaal Yahuudi ah oo Dhintay Ku Dhawaad Nus Qarni Ka Hor.

0

Ciidamada Uganda ayaa magaalada Entebbe ee dalkaas ka daah-furay taallo loo dhisayo nin Yahuud ah oo horay u dhintay, kaas oo ay walaalo ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu.

Yahuudkan oo lagu magacaabijiray Yoni Netanyahu ayaa ku dhintay hawlgal ay Yahuuddu ku baadigoobaysay la-haystayaal looga afduubtay garoonka diyaaradaha Entebbe ee dalka Uganda sanadkii 1976-dii.

Taliyaha ciidamada Uganda ayaa hadal ka jeediyay munaasabad lagu daah-furayay taallada, isaga oo garab istaag buuxa u muujinaya Yahuudda.

Yahuudkan ayaa ahaa taliyihii ciidamada Yahuudda ee hoggaaminayay hawlgalka ay doonayeen inay ku furtaan la-haystayaashooda, waxaana halkaas ku nafwaayay taliyahan iyo qaar kamida Yahuuddii laga afduubtay garoonka.

Afduubkan ayaa waxaa geystay dhalinyaro Falastiiniyiin ah oo u dagaallamayay sii daynta maxaabiis ay Yahuuddu xilligaas ka afduubatay dhulka Falastiin.

Daah-furka taalladan ayaa muujineysa xiriirka sii xoogeysanaya ee udhexeeya Uganda iyo Yahuudda, iyaga oo marar dhowr ah sheegay iney hiil u yihiin askarta Sahaayinada ah ee duullaanka ku haysta qeybo badan oo kamid ah dhulalka Muslimiinta.

Leave A Reply

Your email address will not be published.