Barakac ka Billowday Itoobiya, Xilli ay Dagaallo Udhaxeeya TPLF iyo Ciidamada Itoobiya ka Socdaan Dalkaas.

0

Kadib markii uu dalka Itoobiya ka qarxay dagaalka udhexeeya Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda Hubeysan ee TPLF, waxaa halkaasi waxyeellooyin kala duwan ka soo gaareen dadka shacabka ah ee deggan magaalooyinka iyo deegaannadii lagu dagaallamay.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in boqolaal ruux oo Itoobiyaan ah ay ka qaxeen gobolka Tigrey ee dalka Itoobiya, iyagoo maciin biday dhanka waddanka Suudaan, si ay uga badbaadaan rasaasta iyo madaafiicda ay is weydaarsanayaan Jabhadda Hubeysan ee TPLF iyo Dowladda Itoobiya.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa tabineysa in dadka ka qaxay gobolka Tigrey ay gaareen magaalo lagu magacaabo Hamdeynt. Xogo ayaa sidoo kale sheegaya in dadka magaaladaasi gaaray ay ka mid yihiin askar dhaawac ah, kuwaas oo gargaar caafimaad loo fidiyay, sida laga soo xigtay ilo amni oo Suudaaniyiin ah.

Waxaa sidoo kale lagu warramayaa in askarta dhaawaca ah loo sii gudbinayay deegaan lagu magacaabo Al-Xashaaba, oo soohdinta u dhexeysa Itoobiya iyo Suudaan u jira 15 kiiloomitir. Deegaankan ayaa sidoo kale xarun u ah Ciidanka 70-aad, oo ah cutub hubeysan oo xiriir la leh Jabhadda TPLF, kuwaas oo halkaasi soo gaaray intii uu socday dagaalkii hore ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Tigrey.

Dagaalkan u dhexeeya Jabhadda Tigreyga ee TPLF iyo Dowladda Itoobiya ayaa si toos ah u qarxay Sabtidii ina soo dhaaftay, waxaana uu si gaar ah uga qarxay soohdinta u dhexeysa dalalka Itoobiya iyo Suudaan. Ma jirto khasaaro rasmi ah oo ay warbaahintu tabineyso oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaallamaya, inkastoo ay jiraan khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ay labada dhinac la kulmeen.

Leave A Reply

Your email address will not be published.