Ciidamada Dowladda Fedaraalka oo Si Raxan Raxan ah Ugu Biiraya maleeshiyaadka Laftagareen.

0

Saacadihii la soo dhaafay waxaa mar kale safka maleeshiyaadka taabacsan Cabdicasiis Laftagareen ku biiray ciiddamo hor leh oo ka goostay askarta Dowladda Fedaraalka ee ku sugan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Ciidankan oo wata hubka noocyadiisa kala duwan, ayaa lagu soo bandhigay goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka uu hogaamiyo Cabdicasiis Laftagareen.

Sawirro iyo muuqaal ay soo bandhigtay warbaahinta maleeshiyaadka Laftagareen ayaa muujinaya in ciidanka ku biiray safkooda ee ka baxay Baydhabo uu yahay mid badan.

Afhayeen u hadlay maleeshiyaadka Laftagareen ayaa maamulka la baxay Koonfur Galbeed ee uu hogaamiyo Aadan Madoobe ugu hanjabay iney weerari doonaan, xilli uu ka hadlayay goobta lagu soo bandhigay ciidamadan.

Maalinba maalinta ka dambeysa waxaa isa soo taraya tirada ciidamada ka goosanaya Dowladda Fedaraalka ee ku biiraya maleeshiyaadkan ku sugan duleedka Baydhabo, waxayna askarta ay heleen badankood ka baxeen magaaladaas.

Aadan Madoobe Hogaamiyaha maamulka la baxay Koofur Galbeed ayaa wajahaya casbi xooggan oo ay ku hayaan maleeshiyaadkan, taas oo laga dareemayo gudaha xarumaha maamulkiisa ee ku yaalla magaalooyinka ay ugu horreyso Baydhabo.

Isku soo wada duuboo waxaa aad loo hadal hayaa suurtagalnimada in dagaal u dhaxeeya maleeshiyaadkan iyo maamulka la baxay koonfur Galbeed uu mar kale ka dhaco magaalada Baydhabo oo xarun ah maamulka Aadan Madoobe oo ah nin uu Xasan Sheekh geeyay halkaas.

Leave A Reply

Your email address will not be published.