Tiro Saraakiil ah Iyo Askar ay Wateen oo Ka Goostay Ciidamada Maamulka La Baxay Puntland.

0

Waxaa sii xoogaysanaya khilaafka u dhaxeeya maamulka la baxay Puntland iyo Dowladda Fedaraalka. Mudooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa socday hub aruursi ay samaynayeen labada dhinac, kaas oo keenay in ay kala jabaan askatii maamulka la baxay Puntland.

Ciidamo ay hogaaminayaan saraakiil dhowr ah ayaa sheegay inay ka goosteen taliskii ay ka tirsanaayeen, isla markaana aysan kasii shaqayn doonin qorshayaasha uu Siciid Cabdullaahi Deni ku doonayo in uu ka hirgaliyo deegaannadaas.

Saraakiishan ka goostay ciidanka Puntland ayaa sheegay in Siciid Deni uu wado ajande uu ku doonayo in dhulka uu ka arrimiyo laga jaro Soomaaliya inteeda kale, isla markaana uu maamulkiisu ku dhawaaqo gooni isutaag la mid ah kan Maamulka la baxay Soomaaliland.

Aqoonyahanno iyo siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda deegaanada uu ka arrimiyo maamulka la baxay Puntland ayaa horay u sheegay inuu jiro iskuday uu Deni ku doonayo gooni isutaag, waxayna xuseen in qorshahan ay Yahuudda iyo Mareykanku dabada ka riixayaan, laguna doonayo in dalka lagu kala jaro.

Leave A Reply

Your email address will not be published.