Xildhibaan ka Mid ah Mucaaradka : Dawlada Fadaraalka Malaha Awood ay Al-Shabaab kula Dagaalanto.
Xildhibaan Gureey oo kamid ah Baarlamaanka Dowladda Fedaraalka ee mucaaradka ku ah Xasan Sheekh ayaa wareysi uu bixiyay waxa uu kaga hadlay, xaaladda kala guurka ah ee ay mareyso xukuumadda Muqdisho iyo walwalka ka heysta bixitaanka ciidamada Shisheeye.
Waxa uu sheegay in Dowladda Fedaraalka ay ku jabtay dagaalka ay kula jirto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyadoo ka itaal roon sida ay hadda tahay, xilligaanna aysan jirin wax awood ah oo ay ku wajihi kasto dagaalka ay kula jirto Mujaahidiinta, isagoo soo hadal qaaday dagaalladii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka degaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan.
Xildhibaankaan ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee ay wajaheyso Dowladda Fedaraalka. Wuxuu tilmaamay in haddii shirarka hadda socda aysan wax natiijo ah kasoo bixin ay ciidamada Shisheeye dalka isaga baxayaan seddax bilood kadib.
Hadalka xildhibaankaan ayaa kusoo aadaya iyadoo Dowladda Fedaraalka ay wajaheyso culeesyo siyaasadeed iyo kuwa amni, islamarkaana ay Shisheeyaha caalamka ka quusteen taageeradii ay ku bixin jireen ciidamada afrikaanta ee kusoo duulay dalka, taas oo ay sii dheer tahay fashilka shirarkii dhawaan ka dhacay Itoobiya iyo Uganda ee taageerada loogu raadinayay duullaankaas.