Dagaal u Dhaxeeya Maamulka Putland Iyo Dowladda Federaalka oo Saaka Ka Qarxay Magaalada Gaalkacyo.

0

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka waaberigii uu dib uga bilowday dagaal culus oo ka socda dhinaca bari ee magaalada, halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamo ka amar qaata maamulka la baxay Puntland iyo ciidamada PSF ee taageersan Dowladda Federaalka.

Sida ay sheegayaan xogaha laga helayo goobta, iska horimaadka ayaa qarxay kadib markii ciidamada Puntland ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada PSF ku lahaayeen bariga magaalada, taas oo dhalisay dagaal xooggan oo si degdeg ah ugu fiday deegaannada ku dhow goobihii lagu dagaallamay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in labada dhinac ay adeegsanayaan hub culus, waxaana la maqlayaa madaafiic iyo rasaas culus oo si xiriir ah la’isku waydaarsanayo. Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in qaar ka mid ah madaafiicda ay ku dhaceen xaafado ay dad rayid ah deggan yihiin, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay.

Cabsi xooggan ayaa ka jirta xaafadaha ku dhow jiidda hore ee dagaalka, iyada oo qoysas badan ay bilaabeen inay ka baxaan guryahooda si ay uga fogaadaan goobaha ay rasaastu ka dhacayso. Dadka deegaanka ayaa ka walaacsan in dagaalku ku sii fido qaybo kale oo magaalada ka tirsan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa tilmaamaya in labada dhinac ay helayaan ciidamo gurmad ah, arrintaas oo sare u qaadaysa suurtagalnimada in dagaalku sii dheeraado isla markaana uu yeesho saameyn ballaaran.

Xiisaddan ayaa kusoo beegmeysa maalmo kadib markii Puntland ay ku eedeysay Dowladda Federaalka inay hub ka dejisay koonfurta Gaalkacyo. Maamulka Puntland wuxuu ku dooday in hubkaas loogu talagalay in lagu xoojiyo ciidamo ka howlgala deegaannadeeda oo ka amar qaata Dowladda Federaalka.

Maalmihii u dambeeyay waxaa sii kordhayay is mari-waaga u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka la baxay Puntland, iyada oo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee labada dhinac ay sare u qaadeen xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee ka taagan deegaannada maamulkaas.

Leave A Reply

Your email address will not be published.