In ka Badan 10 Ruux oo ku Geeriyootay Shil ka Dhacay Dalka Uganda.
Booliska dowladda Uganda ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay, shil gaari oo ka dhacay gudaha dalkaas kaas oo sababay khasaare kala duwan.
Boolisku waxay sheegeen in ugu yaraan 14 ruux ay ku geeriyoodeen, shilkaan gaari oo yimid kamid markii ay isku dhaceen gaari xamuul ah oo carro siday iyo mid nuuca raaxada ah.
Shilka ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay wado gasha xarun ganacsi oo ku yaalla islaamulka Kalongo ee gudaha dalka Uganda, waxaana warka kasoo baxay Booliska lagu sheegay in afar ruux ay ku dhaawacmeen shilka.
Waxay hadalkooda sii raaciyeen iney baadi-goobayaan dawaralkii ka xeynayay gaariga xamuulka ah oo goobta isaga baxsaday kadib markii uu shilku dhacay.
Shilalka gaadiidka ayaa waxay mudooyinkii lasoo dhaafay aad ugu soo badanayeen dalal dhaca bariga Afrika oo ay ku jiraan Kenya iyo Uganda, kuwaas oo loo aaneeyo asbaabo ay kamid yihiin gaadiidka oo tayadoodu xuntay, xawaare siyaado ah oo lagu wado iyo wadooyinka oo xun.
Bishii July ee lasoo dhaafay ayay aheyd markii bariga Uganda gaari Bas ah oo arday siday uu ka weecday wadada islamarkaana rogmaday, taas oo sababtay dhimashada ugu yaraan 20 caruur arday ah iyo iyo ruux kale oo saarnaa gaaarigaas.