Askar Katirsan Ciidanka Yahuudda oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Qarax ka Dhacay Dalka Lubnaan.

0

Dalka Lubnaan waxaa wali ka soconaya dagaallada u dhaxeeya ciidanka Yahuudda ee ku duulay dalkaas iyo ururka la baxay “xisbullaah” ee gacan saarka la leh Iiraan.

Saacadihii lasoo dhaafay waxay dagaallo culus ka dhaceen Koonfurta Dalka Lubnaan, kuwaas oo khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba lagu gaarsiiyay ciidanka Yahuudda.

Kanaalka 14aad ee Sahaayinada ayaa xaqiijiyay, in ugu yaraan laba askari oo Yahuud ah lagu dilay afar kalana lagu dhaawacay, qarax lagula beegsaday dhsme ay ku sugnaayeen oo ku yaalla Koonfurta Lubnaan.

Wuxuu intaas ku daray in mid kamid ah askarta Yahuudda ee dhaawacantay laga deyrinayo xaaladdiisa caafimaad, maadaama uu soo gaaray dhaawac halis ah, warbaahinta qaar ayaana dhaawacyada Yahuudda gaarsiineysa todobo askari.

Leave A Reply

Your email address will not be published.