Masuul Horay Xil Uga Soo Qabtay DF oo Eedeymo u Jeediyay Hogaamiyaha Maamulka la baxay Hirshabeelle.
Wasiirkii hore ee amniga Dowladda Fedaraalka Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa isagoo dood ka qeyb galayay waxa uu eedeymo ujeediyay, Cali Guudlaawe oo ah hogaamiyaha maamulka la baxay Hirshabeelle.
Xundubeey ayaa Guudlaawe ku eedeeyay in sanado badan uu xilal ka hayo maamulka la baxay Hirshabeelle, saasoo ay tahayna aysan jirin wax uu ka qabtay deegaannada uu ka arrimiyo maamulkiisa.
Waxa uu sheegay in hogaamiyaha maamulka la baxay Hirshabeelle uu god galiyay deegaannada uu ka arrimiyo, islamarkaana 10-kii sano ee lasoo dhaafay aysan ka jirin wax horumar ah.
Xundubeey waxaa ka horreeyay xubno kale oo katirsan Dowladda Fedaraalka iyo kuwa xilal soo qabtay oo eedeymo kuwaan lamid ah ujeediyay hogaamiyaha maamulka la baxay Hirshabeelle Cali Guudlaawe.