Maamulka Gobolka Banaadir oo Xabsiga Dhigay Qoys Cabasho Ka Muujiyay Dhulboobka ay Wadaan.
Iyadoo ay mudooyinkii danbe sii xoogeysanayeen barakicinta balaaran ee ay Dawlada Fadaraalka ka waddo magaalada Muqidisho, ayuu hadana maamulka gobolka Banaadi bilaabay in uu hanjabaado u jeediyo qoysaska iyo shakhsiyaadka ay dhulkooda ka barakiciyeen ee warbaaahinta uga waramay dhibaatada loo geystay.
Dhawaan waxaa warbaahinta ka soo muqaday qoys danyar ah oo ka mid ah shacabka ku dhaqan degamada Xamar Jajab oo ay Dawlada Fadaraalka ku amartay in ay ka baxaan gurigooda lana rabo in la burburiyo, balsa qoyskaan ayaa waxa uu soo bandhigay waraaqadaha lahaashiyaha guriga midaas oo sababtay in weerar lagu qaado qoyskan.
Galinkii hore ee maalintii shalay ciidamo ka socoda saldhiga booliska ee degamada Xamar-jajab ayaa waxa ay weerar ku qaaden guriga qoyskaan, iyagoona halkaasi ka kaxeestay aabaha guriga iyo gabadhiisa, sababta ay ku xireen ayayna ku sheegeen in ay warbaahinta ka hadleen oo ay ka cawdeen dhibaatada barakicinta gardarada ah.
Dadka laga barakiciyay guryahooda iyo xaafadahooda ee ku dhaqan guud ahaan magaalada Muqdisho ayaa waxa ay la kulmayaan handadaad iyo in loogu goodinayo xarag hadii ay ka hadlaan waxa la xiriro dhulboobka, waxaana midaasi marqaati muuqada u ah qoyskaan lagu weeraray gurigooda isla markaan xabsiga la dhigay aabihii qoyska iyo gabdhiisa.
Si kastaba ha ahaatee waxaa marba marka ka danbeesa xargaha sii goosanahaya dhulboobka iyo barakicinta qasabka ah ee xukuumada Xasan Sheekh ka wado magaalada muqdisho, isla markaan ay kula kaceyso, dadka danyarta ah, iyadoon dhulalka shacabka laga boobo laga iibiyo ganacsato iyo shirkado shisheeye.