Madaxwayanah Kenya oo Sheegay in uu Doonayo in Dadka Muslimiinta ah ee Ku Nool Dalkaas Kiristaameeyo.
William Ruto Madaxwaynaha Kenya oo ah nin haysta diinta Kiristaan-ka ayaa sheegay inuu rabo inuu dadka Muslimiinta ah diintooda ka saaro, isla markaana ka dhigo Kiristaan isaga ku diin ah.
Hadalkan ayuu Wilyam Ruutu ka sheegay kulan uu dhawaan u qabtay macalimiinta iyo imaamyada masaajidda Kenya, kaas oo uu ku doonayay in ay ka qeyb qaataan olalalaha doorasho ee uu ku jiro.
Ninkan ayaa mudooyinkii u dambeeyay Kenya ka waday mashaariic lagu doonayo in dadka diintooda looga badalo, wuxuuna amar ku bixiyay in la diwaan galiyo dugsiyada iyo goobaha lagu barto Qur’aanka, isla markaana la hoos geeyo nidaamka wax barasho ee Kenya si ay wax uga badalaan manhajka wax barasho ee diinta.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Willam Ruutu sheegay in ay jiraan dad doonaya inay isaga Islaamiyaan, laakiin uusan ka yeeli doonin oo uu iyaga ka saari doono diintooda, uuna qorshaynayo siduu u gaalaysiin lahaa iyaga.
Dowladda Kenya ayaa sii xoojisay olalaha Kirsitaamaynta ah ee ka dhanka ah dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalkaas, waxayna duullaan diin la dirirnimo ah kusoo qaadday Soomaaliya, kaas oo ay ku doonaysay inay dadka Soomaaliyeed kaga badasho diintooda, si lamid ah Uganda oo cadaysatay ujeedkii ay dalka u joogeen ku dhawaad labaatankii sano ee lasoo dhaafay.
Dhawaan madaxwaynaha Ugandha Yuweeri Musafani ayaa sheegay in duullaanka ay Sooomaaliya kusoo qaadeen uu ahaa mid ay uga hortagayeen diinta Islaamka, islamarkaana ay meesha ka uga saarayaan cid walba oo sheegta isku xukunka shareecada Raxmaanka.