Wiil Dhalinyaro ah oo ay Dhaawaceen Ciidamada Liibaan Shuluq oo Xaalad Caafimaad ku Wajahaya Muqdisho.

0

Dhawaan waxaa ciidamo uu watay Liibaan Axmed Xasan oo loo garan ogyahay Liibaan Shuluq ay dad rayid ah ku rasaaseeyeen magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, taas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wiil dhalinyaro ah oo kamid ah dadkii ay dhaawaceen ciidamada ilaalada u ah Liibaan Shuluq oo ah ninka uu Xasan Sheekh u rabo inuu xilka kala wareego Qoor Qoor, ayaa waxa uu xaalad caafimaad ku wajahayaa magaalada Muqdisho.

Wiilka Abtigiis oo lagu magacaabo Maxamed oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyay, heerka dhaawac ee soo gaaray wiilka uu waalidka uyahay iyo xaaladda uu hadda wajahayo.

Waxa uu tilmaamay in wiilkooda ay xabad kaga dhacday sinta lafna ay ka jabtay, waxaana uu xusay in haatan lacag badan lagu yeeshay isbitaalkiina laga saarayo.

Rasaastii ay dhawaan ciidamada ilaalada u ahaa Liibaan shuluq ku fureen dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada Caabudwaaq ayaa waxaa ku dhintay hal ruux, halka ay ku dhaawacmeen lix kale.

Leave A Reply

Your email address will not be published.