Maamulka Dhulka Soomaali Galbeed oo Xiry Nin ay Doonayeen iney Dhulkiisa ka Boobaan oo ka Dhega Adeegay Amarkooda.

0

Magaalada Wardheer ee gobolka Doollo oo kamid ah dhulka Soomaali Galbeed ee ku hoosjira gumeysiga dowladda Itoobiya, ayaa waxaa ka socda dhulboob lagu eedeeyay mas’uuliyiin katirsan maamulka uu hogaamiyo Mustafe Cagjar.

Waxaa muddo dhowr maalin ah xasbiga ku yaalla magaalada Wardheer ku jira nin oday ah oo kamid ah shacaka ku noo gobolka Doollo, kaas oo xubno katirsan maamulka gobolkaas ay doonayeen iney dhulkiisa dhacaan.

Ninkan ayaa la sheegay inuu ka dhego adeegay inuu aqbalo amarka kaga yimid dhanka maamulka, waxaana xariga lagula kacay lagu eedeeyay maamulka gobolka Doollo oo uu ugu horreeyo gudoomiyaha gobolka.

Ninkan ayaa la soo warinayaa inuu dhowr cisho ku hoyanayo casbi ku yaalla magaalada Wardheer iyadoo sababta loo haysto kaliya tahay inuu diiday in dhulkiisa la boobo.

Bilihii la soo dhaafay waxay wararku sheegayaan in magaalada Wardheer ee gobolka Doollo ay ka socdaan, dhulboob ay faraha kula jiraan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka ay Itoobiya ka dhisatay dhulka Soomaali Galbeed.

Gobolka Doollo iyo si gaar ah magaalada Wardheer, ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa xarig lagula kacayo dadka shacabka ah, maamulka ayaana xiray dad badan.

Halkaan ka Degso Warka Soomaaligalbeed.

Leave A Reply

Your email address will not be published.