Shacabka ah ee ku Nool Deegaannada uu ka Arrimiyo Maamulka Puntlnad oo ka Cabanaya Sicir Barar.
Maalintii shalay waxaa dib u furmay suuqayadii ganacsiga ee magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo dekadda magaaladaas, iyadoo ay canshuurtii la soo rogay wali sidii u taagan tahay, ganacsatada ayaa durbaba kordhiyay qiimaha waxyaabaha ay iibinayaan, taasoo ugu sii dartay xaaladda bulshada ku nool deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaas oo la daalaacayay sicir barar baahsan.
Dadka reer Mayiga ah ayaa si gaar ah sicir bararkan iyo maciishadda qaali ah ugu eedeeyay Hogaamiyaha maamulka la baxay Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxayna sheegeen inuu isagu ka dambeeyo.
Shacabka ku nool gobolka Nugaal gaar ahaan magaalada Garoowe iyo meelaha ka agdhadhaw, ayaa cabasho xooggan ka muujiyay koror ku yimid qiimaha raashinka Quutul-Daruuriga, kaasoo oo ay ganacsatadu saareen lacago dheeraad ah, kadib furitaanka suuqyada Garoowe, Boosaaso iyo dekaddeeda.
Isku soo wada duuboo sicir bararkan ayaa ahaa mid la filayay marba haddii aan xal waara laga gaarin dhibaatadii canshuurta ee taagneyd, ganacsataduna ay u muuqdeen kuwo lagu qasbay qaadashada amarka furitaanka ee suuqyada iyo dekadda.