Jabhadda TPLF oo Weerar Culus Ku Qaaday Maleeshiyaad Ka Goostay Safkeeda oo Ku Sugan Gobalka Canfarta.

0

Jabhada Tigreega ee TPLF ayaa weerar culus ku qaaday gobalka Canfarta, iyada oo sheegtay in ay halkaas kula dagaalantay maleeshiyaad ay dowladda Itoobiya ku doonayso iney kula dagaalanto gobalkooda.

TPLF ayaa weerarkan ku ekeeyay xeryo ciidan oo ay lahaayeen maleeshiyaadkan Tigreega ah ee ka goostay maamulkooda, isla markaana gacansaarka dhow la leh dowladda Itoobiya, kuwaas oo isku magacaaba jabahadda nabadda Tigreega.

Jabhadan ayaa horay uga tirsanayd TPLF, hase ahaatee sanadkii ugu dambeeyay ayey ka goosatay waxayna xiriir la yeelatay maamulka Abiy Axmed, iyaga oo u wareegay deegaannada gobalka Canfarta, waxayna halkaas kasoo abaabuleen dagaallo ka dhan ah kooxda TPLF.

Hogaanka ugu sarreeya TPLF ayaa dhawaan baaq digniin ah u diray maleeshiyaadkan, iyaga oo ugu baaqay iney isa soo dhiibaan, loona fidin doono cafis haddii ay ka laabtaan go’aanka ay qaateen, hase yeeshee TPLF ayaa ugu dambayn weerar culus ku qaaday, waxayna sheegteen iney gaarsiiyeen khasaare xooggan.

Marar dhowr ah ayey TPLF weerar ku qaaday jabhaddan, waxaana ugu dambeeyay dagaal ay ku qabsadeen illaa 6 degmo oo ay ku xooganayeen maleeshiyaadkan ka goostay Tigreega, illaa ugu dambeyn ay ciidamada Canfartu qeyb kasoo noqdeen dagaalka.

Geesta kale, waararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya, in dagaalka ay kasoo qeyb gashay dowladda Eratariya oo garab istaag u fidinaysa jabhadda TPLF, mudooyinkii u dambeeyay waxaa sii xoogaysanayay dagaallada ka socda gobalka Tigreega, waxayna jabhadaasi heleen diyaarado casri ah oo u fududeeyay in ay khasaare gaarsiiyaan cidanka Itoobiya.

Leave A Reply

Your email address will not be published.