Maamulka Puntland oo La Wareegay Talis Ciidan oo Hor Leh oo ay Ku Sugnaayeen Askar Taabacsan DF.

0

Saacadihii lasoo dhaafay maamulka la baxay Puntland ayaa mar kale la wareegay talis ciidan oo ay magaalada Carmo ee gobolka Bari ku lahaayeen askar taabacsan Dowladda Fedaraalka oo halkaasi ku sugnaa.

Booliska maamulka la baxay Puntland ayaa war ay soo saareen ku sheegay iney taliskan si buuxda ula wareegeen, kaaso oo ay wararku tilmaamayaan in ciidamdii ku sugnaa ay ka guureen.

Askarta iska leyd taliska lala wareegay ayaa la sheegay iney sameeyeen siyaasiyiin xiriir la leh Dowladda Fedaraalka, waxayna wararku tilmaamayaan in ka guuritaankoodi saldhigga kadib ay aadeen deegaanno kale oo ka tirsan gobolkaasi Bari.

Waa taliskii seddaxaad oo muddo maalmo yar gudaheed ah uu la wareegayo maamulka la baxay Puntland oo horay weeraray saldhigyadii ay ciidankii PSF ku lahaayeen magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso.

Maamulka la baxay Puntland ayaa ugu guudiyay ciidamada taabacsan Dowladda Fedaraalka ee ku sugan deegaannada uu ka arrimiyo iney kusoo socdaan oo aysan u ogolaan doonin iney halkaasi sii joogaan iyagoo xiriir la leh xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Sheekh.

Isku soo wada duuboo Dowladd Fedaraalka ayaa ku fashilantay dhaqdhaqaaqyadii ciidan ee ay ka wadday deegaannada uu ka arrimiyo maamulka la baxay Puntland, waxayna haatan u muuqataa inuu soo afjarmay qorshihii ay muddo ku hawlaneyd.

Leave A Reply

Your email address will not be published.