Booliska Maamulka Soomaaliland oo Jirdil Xooggan kula Kacay Haween Ku Ganacsada Wadooyinka Burco.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa ku warramaya, in askar ka tirsan ciidamada maamulka la baxay Soomaaliland ay jirdil xooggan u geysteen qaar kamid ah haweenka wadooyinka magaalada Burco ku iibiyo caanaha.
Muqaal saacadii la soo dhaafay ku baahay baraha bulshada ayaa waxa uu muujinayaa askar sita dareeska Booliska maamulka la baxay Soomaaliland oo ulal ku garaacaya haweenka, isla markaana wadooyinka ku ceyrsanaya.
Sidoo kale waxa u muqaalka muujinayaa askari ka tirsan ciidamada Booliska maamulka la baxay Soomaaliland oo garaba duub u xiraya mid kamid ah haweenka ay xad gudubka kula kaceen, askari kalena uu ul la dacayo, iyaga oo si qasab ah ku galinaya gaari ay wateen.
Qaar kamid ah haweenkii ay dhibaateeyeen ciidamada maamulka la baxay Soomaaliland ayaa ka warramay sidey wax ugaareen, iyagoo sheegay in la xiray.
Tani ayaa mar kale banaanka keeneysaa xadgudubyada si dabajoogga ah ee ay ciidamada maamulka Soomaaliland kula kacayaan shacabka maatida ah ee ku nool deegaannada ay gacanta ku hayaan.
Dhowr bilood ka hor ayey ahayd markii muuqaal sidaan oo kale baraha bulshada u qabsaday laga soo duubay, askar ka tirsan Booliska maamulka la baxay Soomaaliland oo jidilaya ruux kamdi ah shacabka magaalada Hargeysa.