Kenya oo Walaac Ka Muujisay Koror Ku Yimi Weerarada ay Al-Shabaab Ka Wado Dhulka ay Gumeesato.

0

Dowladda Kenya ayaa wajahaysa walaac amni oo sii xoogeysanaya, kadib markii ay kordheen weerarrada ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ka fulinayso gudaha dhulka ay Kenya gumaysiga ku haysato ee NFD iyo gobolka Lamu. Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa qiray in xaaladdu ay noqotay mid culus.

Warbixin uu qoray wargeyska Dhayli Neeshon ayaa tilmaamaysa in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay si gaar ah uga muuqdeen gobollada NFD iyo deegaannada xeebaha Lamu. Wargeysku wuxuu sheegay in bilihii lasoo dhaafay ay mujaahidiintu fuliyeen weerarro isdaba joog ah oo lagu beegsanayay ciidamada Ammaanka Keenya, gaar ahaan booliska iyo cutubyo ku sugan meelaha u dhow xaduud beenaadka ay Soomaaliya la wadaagaan.

Sida ay warbixintu xustay, weerarradaasi waxay muujinayaan caqabadda ay Kenya kala kulmeyso sugidda dhulka ay gumaysiga ku haysato. Deegaannada NFD iyo qaybo ka mid ah gobalka xeebta ayaa muddo dheer ahaa goobaha ugu badan ee ay Ciidamada Kenya kula kulmeen weerarada ugu culus.

Xog laga soo xigtay koox cilmibaarayaal ah oo lagu magacaabo Akleedh Dhaata (ACLED Data) ayaa iyaduna tilmaamaysa in xaaladdu aysan ku koobnayn dhacdooyin yar oo goos-goos ah. Sida ay tilmaamayso xogta ay sheegeen, in ka badan 90 weerar oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa gudaha Kenya laga diiwaangeliyay muddooyinkii u dambeeyay.

Dhacdadii ugu dambeysay ee khasaaraha badan dhalisay ayaa la sheegay inay dhacday 27-kii Luulyo, markaas oo weerar lagu qaaday ciidamada Kenya uu sababay dhimashada 13 askari, sida lagu sheegay warbixinta. Weerarka ayaa sidoo kale lagu tilmaamay hawlgal ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku beegsadeen mootooyin iyo qalab militari oo ay lahaayeen ciidanka Kenya.

Kororka weerarrada ayaa kusoo beegmaya iyadoo Kenya ay ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011-ka. Joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya ayaa muddo dheer qayb ka ahaa ujeedo ay Kenya ku doonaysay in ay dagaalka ka fogayso Dalkeeda, hase ahaatee, duulaankan ayaa ku furay albaab kale, waxayna tan iyo xilligaas Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerarro culus ka fulinayeen gudaha Kenya iyo Gobalada ay Gumaysiga ku haysto.

Dhanka kale, walaaca cusub ee ka soo baxaya dhinaca saraakiisha Kenya wuxuu kusoo aadayaa xilli ciidamada dalalka Afrika ee ka hawlgala Soomaaliya ay wajahayaan caqabado dhaqaale iyo hubanti la’aan ku saabsan maalgelinta hawlgalladooda. Arrintan ayaa sii kordhin karta cadaadiska saaran Kenya, oo isku dayaysa inay isku mar wax ka qabato khatarta amni ee gudaha dhulkeeda iyo xaaladda ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Leave A Reply

Your email address will not be published.