Askari Horey u Dhaawacmay oo Ka Mid ahaa Ciidamada DF oo Sheegay in ay Dayacday Xukuumada Xasan Sheekh.

0

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku dhibaateesan mid kamid ah askarta Dawlada Fadaraalka oo dhaawac ah, kaasoo ay dayacday dawladii uu u dagaalamayay, waxaana qeybo badan oo kamid ah jirkiisa ku xiran tubooyin iyo biro uu neefta iyo cuntada ka qaato.

Askarigaan oo lagu magacaabo Cabdacaziiz Cisman Cabdullaahi, ayaa sheegay in uu dhaawacaan la daalaa dhacayo mudo labo sano ah isla markaan uu wax garab ah ka waayay Dawlada Fadaraalka, qarashaad farabadan oo uusan awoodina looga yeeshay isbitaalada, hadana uu u baahan yahay daryeel cafimad oo dibada ah.

Waxa uu tilmaamay in qaar kamid ah masuuliyiinta Dawlada Fadaraalka oo uu la xiriiray, kana dalbaday in ay ka bixiyaan qarashadka caafimaad ee dibada a ay taleefoonada ku dhageesteen

Askarta Dawlada Fadaralka ee kusugan furimaha hore ee dagaalka ay kula jiraan Mellatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa waxa ay la kulmaan dayacaad daran kadib markii uu soo gaaro dhaawacyo halis ah, oo u baahan in lagu daaaweeyo isbitaalo ku yaalo dalka dibadiisan

Dawlada Fadaraalka ee uu Hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaana meel cidla ah uga dhaqaaqda askari kasta oo ka tirsan ciidankeeda, kadib markii uu dhaawac soo gaaro iyadoo aan waxba u qabanin, Mararbadan ayeena warbaahinta ka soo muqadeen askar dhaawacyo qaba oo ka cabanaya in ay dayacday Dawladii ay u dagaalamayeen.

Leave A Reply

Your email address will not be published.