Ciidamada Itoobiya oo Wareejiyay Saldhigii ay Kaga Sugnaayeen Magaalada Buurhakaba ee Gobolka Baay.
Ciidanka Itoobiya oo muddo 12 sano ah haystay magaalada Buur-hakaba ee gobolka Bay ayaa sheegay inay wareejiyeen saldhigii ay kaga sugnaayeen magaaladaas, kadib kulamo degdeg ah oo ay la yeesheen taliskooda iyo kan guud ee ciidamada shisheeye, waxaana ay sheegeen in tallaabadan ay qeyb ka tahay bixitaanka ciidamada Afrikaanka ah.
Itoobiyaanka ayaa tilmaamay in magaalada Buurhakabo ay ku hari doonaan malleyshiyaad iyo ciidamo iyaga la shaqeyn jiray oo taabacsan maamulka Koofurgalbeed la baxay.
Itoobiyaanka ayaa sida aan xogta ku heleyno ka biyo diiday codsi uga yimid madaxda Dowladda Fedaraalka oo ahaa in ay dhowr bilood sii joogaan magaalada Buurhakaba, waxaana ay Xasan Sheekh u sheegeen markey imanayeen ineysan qof kala tashan, hadda oo ay baxayaanna aysan cid kale kala tashan doonin.
Sawirro laga soo qaaday goobta xil wareejinta ayaa muujinaya saraakiil ka tirsna Dowladda Fedaraalka oo wajiyadooda laga dheehanayo murugo, kuwaas oo culeys ka dareemaya bixitaanka askarta Xabashida ay ciidamada Itoobiya ay ku faraxsan yihiin iney ku laabtaan dalkooda maadaama saaxiibo badan oo wehlinayay ay ku aasan yihiin Soomaaliyada caanka ku ah halganka.
Tallaabada ka bixitaanka Buurhakaba ayaa muujinaysa in shisheeyuhu dhab u qaateen digniinaha kasoo baxayay maalmihii lasoo dhaafay hey’adaha reergalbeedka kuwaasoo sheegayay in dowladaha ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay si degdeg ah u qorsheystaan bixitaankooda, kahor inta aysan xaalad halis ah ku iman.
Marka laga hadlayo Itoobiya iyo xaaladda Soomaaliya, halisaha laga digayo iyo dhaqaala xumada ciidanka ajnabiga, waxaa iyada gaar u ah culeysyada kasoo kordhay gudaha dalkooda, gaar ahaan dagaalka u dhaxeeya dowladdooda iyo qabiilka Tigreyga. Dhawaan ciidamo aad u badan ayaa u goostay Tgre halka boqollaal kale dagaal looga dilay.
Ilo xog-ogaal ah oo ay heleyso warbaahinta Islaamiga ah ee Al-furqaan waxay xaqiijinayaan in askarta Xabashidu maalmaha soo socda qorsheynayaan iney isaga baxaan magaalooyin kale oo ka tirsan Soomaaliya.
Sannadkii 2014 ayay ahayd markii ciidamada Itoobiya qabsadeen Buurhakaba iyagoo kor u sida calaamadda Kiristaanka, Buur-hakabana waxay kamid tahay meelaha ugu badan ee ay ku le’deen. Waxaa si gaar ah loo xasuustaa dagaalladii Iidow Jallaad, Jameeco iyo agagaarka Buur-hakaba halkaasoo askarta Xabashida looga laayay boqollaal askari iyo saraakiil.
