Jabhadda Amxaarada oo Guullo ka Sheegtay Dagaallo Ka Dhacay Gobalka Amxaarada ee Dalka Itoobiya.
Maalmihii lasoo dhaafay dagaallo culus ayaa ka dhacaysay gobalka Amxaarada ee dalka Itoobiya, waxayna jabhadda Amxaaradu guullo waawayn ka sheegteen dagaaladaas, iyaga oo shaaciyay in ay dileen tiro badan oo kamid ah askarta Dowladda Xabashida ah ee Itoobiya.
Dagaallo ka dhacay wollo iyo Gondar ayay jabhadda Faano guullo ka shaatay, waxayna halkaas kusoo bandhigeen ciidamo badan oo kasoo goostay Dowladda Itoobiya, sidoo kale waxay gacanta ku dhigeen askar u daagalamayay nidaamka Abiy Axmed oo diiday inay isku dhiibaan Amxaaeada.
Sidoo kale waxay jabhadda Faano soo bandhigtay hub iyo saanad ciidan oo tiro beel ah oo ay kala wareegeen ciidanka Itoobiya, waxayna sheegeen in ay wacad ku marayaan inay sii wadi doonaan colaadda ka dhanka ah Dowladda Fedaraalka Itoobiya, isla markaana ay meesha ka saari doonaan nidaamka Abiy Axmed.
Geesta kale, Wararka ingasoo gaaraya dalka Itoobiya ayaa ku waramaya in Ciidamada Cirka ee dalkaas ay duqaymo laayaan ah la beegsadeen dad rayid ah oo ku sugnaa gobalka Amxaarada, waxaana duqaymahaas dhimasho iyo dhaawac ku noqday dad badan oo shacab ah.
Waxaa isasoo taraya Wararka sheegaya in jabhadda Faano ay heshiisyo hoose la saxiixatay kooxda TPLF oo ka dagaalanta gobalka Tigreega, iyaga oo doonaya in ay dagaal saf ballaaran ah ku qaadaan cidanaka Xabashida ee Itoobiya.
Sidoo kale, heshiiskan ayaa la filayaa in ay qayb ka tahay Dowladda Eratariya oo dagaal siyaasaded kula jirta Abiy Axmed, iyada oo hubaynaysa taageero noocwalbana ah la garab taagan jabhadda mucaaradka ah ee ka dagaalama gudaha Itoobiya.