Ruux Soomaali ah oo Lagu Dilay Wadanka Koonfur Afrika.

0

Saacadihii la soo dhaafay waxaa dalka South Africa lagu dilay, Khaalid xuseen Axmad oo kamid ahaa Soomaalida ku nool wadankaas.

Dilka ninkan ayaa ka dhacay dukaan uu ka shaqeynayay oo ku yaalla deegaanka Khayelitsha ee magalada Cape Town oo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn Koonfur Afrika.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in filka dilka ah ee ninkan Soomaaliga ah loo geystay uu ka dambeeyay qof isaga dhigay inuu wax ka gadanayo, balse qorshihiisu ahaa inuu nafta dhaafiyo.

Dalka South Afrika ayaa noqday meel ay dhibaatooyin kala duwan kula kulmayaan dadka Soomaaliyeed ee ku shaqo doontay ama ganacsiyada ku leh, waxayna dilalka loo geysanayo Soomaalida noqdeen kuwa marba marka ka dambeysa isa soo taraya.

Soomaalida ku nool wadankaasi ayaa lagula talinayaa iney isaga soo tagaan wadankaasi oo ay raadsadaan meelo kale oo ay ku badbaadeyso noloshooda ganacsiyana ay ka furan karaan.

Leave A Reply

Your email address will not be published.