Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen oo Qorsheynaya inay Gacanta ku Dhigaan Xeebaha Baab Al-Mandab.

0

Xuutiyiinta ka dagaalama dalka Yemen ayaa lagu soo warramayaa inay qorsheynayayaan hawlgal militari oo ballaaran oo ay kula wareegaan deegaannada xeebaha galbeed ee Yemen ee ku dhow marin-biyoodka Baab Al-Mandab, taas oo haddii ay dhacdo u suuragalin karta inay so buuxda u maamulaan gacanka Cadmeed.

Saddex ilo-wareed oo militari oo ka tirsan Xuutiyiinta iyo afhayeen ka tirsan ciidamada dowladda Yemen ee ku sugan agagaarka Baab al-Mandab ayaa sheegay in kooxdu ay diyaarinayso inay u dhaqaaqdo deegaannada xeebaha ah ee ka bilaabma halka loo yaqaano Al-Khawkhah, illaa Baab al-Mandabka.

Wasiirka Warfaafinta Yemen, Macamar Al-Iryaani, ayaa sidoo kale sheegay in xogta ay hayaan ay muujinayso in Xuutiyiintu ay doonayaan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Baab al-Mandab, iyaga oo ballaarinaya joogitaankooda xeebaha galbeed, isla markaana isku dayaya inay la wareegaan jasiirado istiraatiiji ah oo Yemen leedahay oo ku yaalla Badda Cas.

Haddii qorshahan uu hirgalo, wuxuu Xuutiyiinta siin karaa awood ay si weyn ugu saameeyaan marin-biyoodka Bab al-Mandab, oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isla markaana muhiim u ah isku socodka maraakiibta ganacsiga ee u dhexeeya Aasiya iyo Yurub.

Xuutiyiintu waxay horey u weerareen magaalada xeebeedyada u dhow Baab al-Mandab, iyo goobo militari iyo jasiirado ay dowladda Yemen maamusho. Dowladda Yemen ee uu Sucuudigu Taageero ayaa arrintan u aragta isku day lagu dhisayo saldhig joogto ah oo Xuutiyiintu ka sameystaan hareeraha marin-biyoodka.

Dhanka kale, Xuutiyiintu waxay hore u beeniyeen inay doonayaan inay gebi ahaanba xiraan Baab al-Mandab, iyaga oo sheegay in tallaabooyinkooda badda ay si gaar ah ugu wajahan yihiin Sacuudiga. Si kastaba ha ahaatee, dhaqdhaqaaqyada militari ee cusub iyo weerarrada ka dhacay deegaannada ku dhow marin-biyoodka ayaa kordhiyay walaaca ay Yahuudda iyo Maraykanku ka qabaan mustaqbalka amniga Baab al-Mandab.

Leave A Reply

Your email address will not be published.