Dhawr Qof oo Soomaali ah oo Lagu Dhaawacay Dibad-baxyo ka Dhacay Dalka Koonfur Afrika.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa sii xoogaysanayay isku dhaca u dhaxeeya dadka Koonfur Afrikaanka ah iyo dadka soo galootiga ah ee ku cusub dalkaas, waxaana ka dhacay weerar ay geysteen burcad u dhashay dalkaas, kaas oo ay ku beegsadeen mid kamid ah xarumaha ganacsi ee ay Soomaalidu leeyihiin.
Sida ay sheegayaan xogaha aan ka heleyno dalkaas, wiil Soomaali ah ayaa dhaawac daran Loogu geystay Suuqa Ganacsiga ee ku yaala Xarunta Takaasida ee Xaafadda Bellville ee Magaalada Keeb-tawn.
Wiilkan ayaa noqonaya qofkii Saddexaad oo Soomaali ah oo saacadihii lasoo dhaafay dhaawac loogu geeysto xaafadaas, taas oo kor u sii qaadaysa cabsida ay qabaan dadka Soomaalida ah ee ku sugan Koonfur Afrika.
Sawiro lagu baahiyay mareegaha ayaa waxaa kasoo muuqday wiilkan Soomaaliga ah oo ay si xun u jirdilayaan kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah, islamarkaana ay gaarsiiyeen dhaawacyo kala duwan. Waxaa intaas ii dheeraa boob loo gaystay haweeney Soomaali ah oo ku ganacsanaysay gudaha dalkaas, xaalada ayaana ahayd sidatan.
Xaaladda Magaalada Keeb-tawn ayaa cirka isku shareerertay, waxaana sii xoogeysanaya Dibadbaxyada Rabshadaha wata ee ay dhigayaan dadka kasoo horjeeda ganacsatada soo galootiga ah ee ku ganacsada dalkaas.
Maalmihii lasoo dhaafay waxaa dadka Koonfur Afrikaanka ah iyo dadka Soogalootiga ah dhexmaraya dagaal gacmaha la isulatagay, iyada oo la isku hayo suuqa ganacsiga ee ku yaala xaafad ka tirsan magaalada caasimada ah ee Keeb-tawn.
Laamaha Booliiska oo goobaha ay wax ka dhaceen tagay, iskuna dayay in ay xakameeyaan dibad-baxyada ayaa ku guuldaraystay, iyaga oo xakamayn waayay in ay dib u celiyaan kooxaha burcada ah ee dhacaya ganacsiyada dadka soogalootiga ah oo ay Soomaalidu ku jirto.