Ciidamada DF oo Rasaas ku Furay Dad Shacab ah oo ku Dhaqan Magaalo Katirsan Gobolka Galgaduud.

0

Ciidamo ka amar qaata Liibaan Shuluq oo ah musharrax utartamaya xilka madaxtinimada ee maamulka la baxay Galmudug ayaa waxa ay magaalada Caabudwaaq ku rasaaseeyeen dad shacab ah.

Ugu yaraan hal qof ayaa la xaqiijiyay inuu dhintay mid kalana uu ku dhaawacmay, kadib markii ciidamo ka amar qaata Liibaan Shuluq ay rasaas ku fureen, dadka ku dhaqan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud oo ka horyimid booqasho uu ninkaas ku tagay magaalada.

Meydka oo goobta yaalla ayay siyaasiyiin uu qeyb ka ahaa ninkaan waxay ka khudbeeyeen magaalada, waxaana intaas kadib ay xiisad ka dhalatay goobta taas oo sabbatay in uu halis galo Liibaan Shuluq, isagoo goobta isaga baxsaday.

Liibaan ayaa ah qandaraaslaha ugu weyn ee qaadka soo galiya Soomaaliya gaar ahaan gobollada-dhexe, waxaana sidoo kale ninkaan uu lahaa hubkii laga keenay Itoobiya ee laba sano kahor lagu furtay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Leave A Reply

Your email address will not be published.