Tobannaan Ruux oo ku Dhaawacantay Duufaan ku Dhufatay Dalka Faransiiska.
Duufaan xooggan ayaa lasoo sheegayaa iney ku dhufatay gobollo dhowr ah oo dhaca Koonfurta dalka Faransiiska, taas oo ay ku dhaawacmeen 41 ruux, sidoo kalana geysatay khasaare hantiyeed sida ay warisay warbaahinta gudaha ee dalkaas.
Duufaantaan oo loo bixiyay “Bomas” ayaa waxay waxyeello xooggan gaarsiisay ku dhawaad 300 oo guri oo ku yaalla dalka Faransiiska, halka dhaawacyadana la dhigay xarumo caafimaad.
Tani ayaa sababtay iney hakad galaan duulimaadyadii ka bixi jiray Faransiiska, si gaar ah kuwa caasimadda dalkaas ee Paris ku xiri jiray magaalooyinka kale ee dalka, waxaana intaa dheer in ku dhawaad 2800 oo guri ay korontadu ka go’day.