Taliyihii Sirdoonka Degmada Feerfeer ee Gobolka Hiiraan oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Degmadaas.

0

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa deegaanno hoostaga degmada Feerfeer ee gobolka Hiiraan ka dhacay qarax sababay khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed intaba.

Qaraxan ayaa haleelay gaari ay saarnaayeen taliyaha Sirdoonka Feerfeer Barre Cali iyo gudoomiye ku xigeenka maaliyadda ee maamulka degmada oo ay wehliyaan istaaf la socday.

Gaariga qaraxu haleelay ayaa ku burburay goobta wax ka dhaceen waxaana qaraxa ku dhintay taliyaha Sirdoonka degmada, halka gudoomiye ku xigeenka maaliyadda iyo askari istaaf u ah labadooda midkood uu dhaawac soo gaaray.

Gudoomiyaha degmada Feerfeer oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay dhimashada taliyaha sirdoonka degmada iyo guud ahaa khasaaraha kala duwan ee ka soo gaaray qaraxan.

Khasaaraha gaaray maamulka degmada Feerfeer ee hoostaga kan la baxay Hirshabeelle ayaa ku biiraya dhiigbaxa guud ee uu la kulmayo guud ahaan maamulkaas, waxayna dhacdadan ku noqotay mid aad u xanuujisay

Leave A Reply

Your email address will not be published.