Masuul Katirsan Dowladda Itoobiya oo Lagu Dilay Weerar ka Dhacay Gobolka Oromada.
Xogo dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo lagu khaarajiyay mid kamid ah masuuliyiinta degmooyinka gobolka Oromiya ee dalka Itoobiya.
Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoonsan ayaa waxa ay weerarkaan la beegsadeen mid kamid ah masuuliyiinta dowladda Itoobiya ugu magacaaban degmo katirsan gobolka Oromiya, kaas oo sababay dilka masuulkaan.
Masuulka la dilay oo lagu magacaabi jiray Tefera Dessie ayaa ahaa guddoomiyihii degmada Degem ee gobolka Woqooyiga Shawa ee mandiqadda Oromiya.
Illaa iyo hadda majirto cid si rasmiga ah u sheegatay masuuliyadda howlgalkaan lagu khaarajiyay masuulka katirsan dowladda Xabashida Itoobiya ee ka dhacay gobolka Oromada.
Jabhadda Oromada ee magaceeda loosoo gaabiyo OLA ayaa lagu eedeeyay iney ka dambeysay dilka masuulkaan, balse kooxdaan ma aysan qiran eedeyntaas iyadoo aan wax war ah kasoo saarin dilka masuulka.
Mudooyinkii lasoo dhaafay waxaa dalka Itoobiya ka dhacayay weeraro nuucaan ah oo lagu khaarajiyay masuuliyiin katirsan Dowladda Itoobiya, gaar ahaan kuwa ugu magacaaban gobollada Amxaarada iyo Oromada.
Dowladda Itoobiya ayaa wajaheysa dagaallo culus iyo weeraro qorsheysan oo kaga imaanaya jabhadaha hubeysan ee ka dagaallama gudaha dalkeeda, waxaana xilliyada qaar ay weeraradaasi sababaan khasaare baaxad leh oo gaara millatariga Addis Ababa.