Xildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed oo u Goostay Dhanka Maleeshiyaadka Laftagareen.
Saacadihii la soo dhaafay waxaa warbaahinta ka soo muuqday Xildhibaan Aadan Cali Arbow oo ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka maamulka la baxay Koofur Galbeed ee uu hogaamiyo Aadan Madoobe.
Xildhibaanka ayaa shaashadaha warbaahinta lagu arkay isagoo ku sugan fariisimaha maleeshiyaadka taabacsan Cabdicasiis Laftagareen ay ku leeyihiin gobolka Baay, islamarkaana la sawirran qaar kamid ah horjoogayaasha maleeshiyaadkaas.
Dhanka kale iyadoo ay jirto goosashada xildhibaankan ayaa waxaa hadane dhanka kale ay maleeshiyaadka Laftagareen soo bandhigeen tiro badan oo maleeshiyaadkooda ah islamarkaana wata gaadiidka mootooyinka laba-lugooleyda, waxayna casbi xooggan ku beertay maamulka uu hogaamiyo Aadan Madoobe ee ku sugan magaalada Baydhabo.
Aadan Madoobe oo maalmahan ku sugan Baydhabo ayaa xaqiijiyay in halkaas uu ka socod barakac ay sameynayaan dadka shacabka ah, xilli la soo sheegayo suurtagalnimada iney mar kale magaaladaas soo weeraraan maleeshiyaadka Laftagareen.
Xaaladda Baydhabo ayaa ah mid dagaal waxaana ay magaaladu noqotay furin hore oo ay isku farasaaraan labada garab ee iska soo horjeeda.
Aadan Madoobe oo kolkii hore halkaas xoog iyo qori caaraddii lagu geeyay, ayaa haatan wajahaya hajabaado isdabjoog ah oo kaga imaanaya dhanka maleeshiyaadka Laftagareen iyo gooasasho aan kala joogsi lahayn oo ay sameynayaan mas’uuliyiinta maamulkiisa iyo ciidamada Dowladda Fedaraalka.
Xildhibaankan u goostay dhanka Laftagareen ayaa noqonaya inta la ogyahay kii ugu horreeyay oo ay maleeshiyaadka Laftagareen ku gooleysteen iney ka saaraan safka Aadan Madoobe, wuxuuna markii uu garabka Laftagareeen ku biiray sheegay in hogaamiyaha saxda ah ee maamulkaasi uu yahay Cabdicasiis Laftagareen sida uu hadalkiisa udhgigay.
Maamulka uu hogaamiyo Aadan Madoobe ee uu Xasan Sheekh xoogga kaga dhisay Baydhabo, ayaa tan iyo aas aaskiisii wajahaya cabsi joogto ah qalqal amni, weerarro iyo hajabaado isdabajoog ah oo ay ku hayo maamulkii hore ee meesha Baydhabo laga qabsaday, waxaana haatan rajo xumo laga muujinayaa jiritaankiisa haddii sidan xaalku sii ahaado.