Ciidamada DF oo Korontada iyo Biyaha ka Jartay Masjid ku yaalla Degmada Waabari .
Dowladda Xasan Sheekh ayaa dhawaan ciidamo badan gaystay xaafadda Buulo-Eelaay ee degmada Waaberi, waxayna halkaas ka billaabeen burburinta guryo ay degan yihiin dad shacab ah, iyaga oo korontada ka jirtay masjidkii jaamica ahaa ee ku yaallay xaafadda.
Ciidankan ayaa dhulka la simay inta badan xaafadihii ku hareeraysnaa masaajidka, waxayna korontada iyo biyahaba ka jareen masjidka, iyaga oo ku goodiyay in ay dhamaantiis dumin doonaan, si lamida ah guryaha shacabka.
Imaamka masjidka oo lagu magacaabo Cabdicasiis Macalin Ibraahim ayaa ka warbixiyay qaabka korontada looga jirtay masjidka.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo toddobaadkan ciidamo Dowladda Fedaraalka ay burburin ka sameeyeen xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshiid, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka shacabka ah.
Boobka ayaa hadda gaaray masaajidda iyo goobaha kale ee lagu barto diinta, taas oo muujinaysa sida xukumada Xasan Sheekh ugu xad gudbeyso masaajidda Alle iyo goobaha jale ee lagu barto shareecada Islaamka, isla markaana ay ugu gacan galinayso kooxo ganacsato lagu sheegay.