Abaaro ku Dhuftay Qeybo Kamida Dalka Itoobiya oo Sababay Hoos u Dhaca Boqolkiiba 20 Korantada Dalkaas.

0

Itoobiya ayaa wajahaysa hoos-u-dhac ku yimid wax-soo-saarka korontada, kadib markii xaaladaha cimilo ay sababeen in biyaha gala qaar ka mid ah xarumaha waaweyn ee korontada dalka ay hoos u dhacaan ku dhowaad 20 boqolkiiba.

Shirkadda korontada ee Itoobiya, ayaa sheegtay in hoos-u-dhaca biyaha uu si gaar ah u saameeyay Biyo-xireenka laga dhaliyo korontada dalkaas, kaas oo laf-dhabar u ah wax-soo-saarka korontada dalka.

Shirkaddu waxay sheegtay in xaaladdan ay yareyn karto awoodda koronto-dhalinta, isla markaana ay saameyn ku yeelan karto dakhliga iyo qorshayaasha dhoofinta korontada ee sannadka maaliyadeed ee soo socda.

Maamulaha guud ee shirkadda, ayaa sheegay in bilaha Luulyo iyo Agoosto ay yihiin xilliyada ay biyuhu ugu badan yihiin xarumaha korontada, iyadoo qulqulka biyuhu uu sii socdo bilaha Sebtembar iyo Oktoobar. Hase yeeshee, kormeer ay shirkaddu si wadajir ah ula sameysay hay’adaha saadaasha hawada, ayaa muujiyay in qulqulka biyuhu uu hoos u dhacayay tan iyo bishii Juun.

Hoos-u-dhaca heerka biyaha keydadka ayaa sidoo kale si toos ah u saameynaya awoodda koronto-dhalinta. Tusaale ahaan, heerka biyaha oo yaraada ayaa sababay in unugyada koronto-dhalintu lumiyaan ilaa 50 megawatt oo awood ah midkiiba. Sidaas darteed, shirkadda korontada Itoobiya waxay dib u dhigtay ama hoos u dhigtay saadaasha wax-soo-saarka iyo dakhliga ay filaysay sannadkan 2026 iyo kan soo socda ee 2027.

Shirkaddu waxay weli koronto u dhoofisaa Kenya iyo Jabuuti, halka korontadii loo diri jiray Suudaan ay hakad ku jirto sababo la xiriira dagaalka ka socda dalkaas iyo burburka soo gaaray kaabayaasha shabakadda korontada.

Dhanka dakhliga, shirkadaha ka shaqeeya macdanta ayaa bixiyay ku dhowaad 50 bilyan oo lacagta dalkaas ah, iyaga oo isticmaalaya 32 boqolkiiba korontada la soo saaray. Korontada Itoobiya ayaa weli si weyn ugu tiirsan biyaha, iyadoo 97 boqolkiiba korontada dalka laga dhaliyo tamarta biyaha.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda amni ee ka jirta gobolka Amxaarada ayaa weli caqabad ku ah fulinta qaar ka mid ah mashaariicda tamarta, taas oo ka dhigan in Itoobiya ay isku mar wajahayso caqabado dhinaca cimilada, amniga iyo baahida sii kordheysa ee korontada.

Leave A Reply

Your email address will not be published.