Maleeshiyaadka Xuutiyiinta oo Lagu Eedeeyay, iney Dad Rayid ah ku Duqeeyeen Gudaha Yemen.

0

Warbaahinta dalka Yemen ayaa ku warrantay, in Maleeshiyaadka Xuutiyiinta saacadihii lasoo dhaafay ay madaafiic hoobiye ah ku garaaceen tuulo ay dad rayid ah ku nool yihiin oo ku taalla miyiga degmada Xeys ee koonfurta Xudeyda, halkaas oo madfaca uu ka geystay khasaare maaliyadeed.

Duqeynta ayaa sababtay, in xoolo ay ku dhintaan, iyadoo sidoo kale cabsi iyo argagax ay ka dhex abuurtay dadka deegaanka, sida ay ku tabisay warbaahinta maxalliga ah ee dalkaas.

Duqeyntu waxay si gaar ah u haleeshay tuulada Al-Jarbij oo dhacda bariga magaalada Xeys ee gobalka Xudeyda ee gudaha Yemen.

Duqeyn kale oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheen ayay Xuutiyiintu la beegsadeen isla degmadaasi, waxaana ku dhaawacmay ilmo yar oo Shan sano jir ah sida ay ku warrameen dadka deegaanka.

Maleehiyaadka Xuutiyiinta ayaa dhawaanahan danbe bilaabay duqeymo aan loo meeldayaynin oo ay ku beegsanayaan dadka rayidka ah ee ku nool baadiyaha iyo magaalooyinka ka baxsan gacan ku hayntooda.

Leave A Reply

Your email address will not be published.