Maamulka Cusub ee dalka Venezuela oo Billaabay, inuu Mareykanka ku Wareejiyo Keydadka Shidaalka ee Dalkaas.

0

Maamulka gacansaarka la leh Waashitoon ee ka dhisan dalka Venezuela ayaa Mareykanka u saxiixay, dhul ku dhow 126 kun oo Hiktar, isla markaana la rumaysan yahay inuu ku jira, kayd shidaal oo lagu qiyaasay 30 bilyan oo fuusto, taasoo u dhiganta ku dhowaad 10% kaydka shidaalka la xaqiijiyay ee Venezuela.

Go’aankan ayaa yimid kadib kulan ay gudaha Mareykanka ku yeesheen masuuliyiin ka kala socotay labada dal, kuwaas oo gaaray wax lagu tilmaamay heshiis.

Heshiiskaas ayaa waxa uu Mareykanka awood u siinayaa, inuu maamula in ka badan 17 goobood oo shidaal oo ku yaalla gudaha Venezuela.

Dhankiisa, Wasiirka Tamarta ee Mareykanka ayaa mashruucan ku tilmaamay “heshiis taariikhi ah oo ku saabsan xiriirka Mareykanka iyo Venezuela”.

Mareykanka ayaa horay xabsiga u dhigay madaxweynihii Venezuela, isagoona ku guulaystay, inuu dalkaasi ka hergaliyo nidaam la jaan-qaadi karo danaha gaarka ah ee Waashitoon, iyadoona Venezuela lagu tiriyo dal leh keydka ugu badan ee Shidaalka dunida ee aan dibadda loo soo saarin.

Leave A Reply

Your email address will not be published.