Ruushka oo Sheegay in Tiro ka Badan 600 oo Diyaaradood ay Yukrayn Kusoo Weerartay.

0

Wali waxaa halkiisa kasii socda dagaalka culus ee u dhaxeeyo dowladaha Ruushka iyo Yukrayn, kuwaas inta badan dagaalkooda uu kusoo aruuray duqeymaha cirka.

Waxaa lagu soo waramayaa, in Ukraine ay diyaarado aan duuliye lahayn ku weerartay bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Ruushka, oo ay ku jiraan Rostov iyo Yaroslavl, sida ay ku warameen warbaahinta Ukraine.

Hay’adda duulista rayidka ee Ruushka ayaa ku dhawaaqday, in garoomo diyaaradeed oo dhowr ah ay si ku-meel-gaar ah u xaddideen howlahooda shaqo kadib weerarka Ukraine.

Wasaaradda dagaalka ee Ruushka ayaa dhankeeda sheegtay, in nidaamyada difaaca ee Ruusska ay burburiyeen 641 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ay Ukraine kusoo weerartay dalkooda, kuwaas oo lagu arkay hawada gobollo kala duwan oo dhaca gudaha Ruushka.

Dhankiisa Ruushka ayaa ka jawaabay weerarradas, isagoo sawaariikh ku garaacay magaalooyin ku yaalla gudaha Ukraine, oo ay kamid yihiin Kyiv, Odesa iyo Zaporizhzhia, masuuliyiinta Yukrayn ayaana xaqiijiyay, in duqeymahaasi beegsaday goobaha kala duwan ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 18 qof, ayna waxyeelleeyeen dhismayaal la deggan yahay iyo goobo kale.

Dalalka Ruushka iyo Yukrayn ayaa inta badan qariyo amaba yareeyo khasaaraha ka dhasha weerarada ay isweydaarsanayaan, taas oo ay ku tilmaamaan, istiraatiijiyad dagaal.

Si ka kastaba ha ahaatee, Ruushka ayaa maalmihii lasoo dhaafay xoogga saaray duqeymaha ka dhanka ah caasimadda Yukrayn ee Kyiv, taas oo uu beegsanayo maalinkii saddaxaad oo xiriir ah.

Leave A Reply

Your email address will not be published.