Khasaaro Kala Duwan ayaa Ka Dhashay Dagaallo Saacadihii la Soo Dhaafay Ka Dhacay Dalka Yaman.

0

Wararka naga soo gaaraya dalka Yaman ayaa ku warramaya, in saacadihii la soo dhaafay ay dagaallo xooggan oo u dhexeeya ciidamada Xukuumadda Yaman iyo kooxda Xuutiyiinta ay ka dhaceen qeybo kamid ah dalkaas, iyadoo dagaalladaasi ay sababeen khasaarooyin kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac.

Dagaalladan ayaa waxa ay intooda badan ka dhaceen gobollada kala ah Taciz, Ma’rib iyo Laxaj, waxaana sidoo kale dagaalladan barbar socday duqeymo xooggan oo lagu bartilmaameedsaday difaacyo ay lahaayeen kooxda Xuutiyiinta.

Deegaanka Kahbuub ee dhaca gobolka Laxaj, isla markaana xuduud la wadaaga gobolka Taciz iyo aagga marin-biyoodka Baab al-Mandab, ayaa waxaa ka dhacay dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda Yaman iyo kooxda Xuutiyiinta.

War kasoo baxay ciidamada Xukuumadda Yaman ayaa waxa ay ku sheegeen, in ay beegsadeen goob ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kooxda Xuutiyiinta, halkaas oo ay ku dileen ilaa iyo saddex askari oo kamid ah Xuutiyiinta, halka ay sidoo kalena ay sheegeen in ay burburiyeen gawaari goobta tiilay.

Sidoo kale, dagaallo xooggan oo ay barbar socdeen duqeymo ayaa waxa ay ka dhaceen qeybo kamid ah gobolka Taciz, halkaas oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Xuutiyiinta.

Ugu yaraan 30 kamid ah dagaalyahannada Xuutiyiinta ayaa lasoo warinayaa, in ay ku naf waayeen dagaalladan, halka 60 kale ay ku dhaawacmeen, sidoo kalena la burburiyay lix gaari oo dagaal iyo laba taangi oo ay lahaayeen kooxda Xuutiyiinta.

Dhankooda, kooxda Xuutiyiinta ayaa war ay soo saareen waxa ay ku sheegeen, in maamulka Ala-Sucuud uu 24-kii saac ee lasoo dhaafay gobolka Taciz ka fuliyay 37 duqeyn oo xagga cirka ah, kuwaas oo ay tilmaameen in ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dad rayid ah.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa faraha ka sii baxaya xiisadda dagaal ee ka taagan dalka Yaman, taas oo u dhexeysa ciidamada Xukuumadda Yaman oo taageero ka hela Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sucuudiga iyo kooxda Xuutiyiinta, taas oo u dagaallamaysa in ay isku fidiso deegaannada ku xeeran Baab al-Mandab oo ay dhawaan la wareegtay.

Leave A Reply

Your email address will not be published.