Taliyihii Shub oo Markii Ugu Horeesay Ka Hadlay Duqeentii Doolow, Isagoo ka Warbixiyay Qaabka ay Wax u Dhaceen.

0

Mahad Cabdiraxmaan oo loo garan ogyahay Taliye Shub ahaana Taliyihii hore ee ciidanka loogu yeero Asluubta ee Dowladda Fedaraalka ayay warbaahintu la yeelatay wareysi dheer oo uu markii ugu horaysay kaga warbixiyay, duqeyntii lagula beegsaday degmada Doolow ee gobalka Gedo.

Taliye Shub ayaa marka hore sheegay, in duqeyntaasi aysan isaga wax weyn kasoo gaarin, balse dhawr meelood uu firir kasoo gaaray.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray, in qorshaha uu ahaa, in isaga iyo ehelkiisaba halkaasi lagu laayo.

Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamud, Taliyaha Sirdoonka Dowladda Fedaraalka Mahad Salaad, Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Turkida ayuu ku eedeeyay, inay ka dambeeyeen isku dayga dilkiisa.

Jaamac oo loo yaqaanno wasiirk Tiktook ayuu si gooni ah ugu eedeeyay, inuu Turkiga ku qanciyay, inay ku duqeeyaan gurigiisa Doolow. CODKA 1-aad.

Taliye Shub ayaa sidoo kale, carrabka ku adkeeyay, in Soomaaliya aysan ka jirin wax dowlad ah, isagoo nidaamka Dowladda Fedaraalka ku tilmaamay, mid ku dhisan qabyaalad iyo nin jeclaysi. CODKA 2-aad.

Horaantii Bishan September ayay aheed markii duqeyn lagu beegsaday, guri uu magaalada Dowlow ee Gobalka Gedo ka degnaa Taliye Shub, kaas oo horay usoo noqday taliyaha ciidanka loo yaqaan Asluubta ee Dowladda Fedaraalka.

Taliye Shub ayaa kamid ah saraakiisha waqtigan siyaasad ahaan kasoo horjeeda Dowladda Fedaraalka ee uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh, wuxuuna la saftay maamulkii Cabdicasiis Laftagareen ee laga qabsaday magaalada Beydhabo.

Duqeynta xiligaasi lala beegsaday ayaa lasoo wariyay, in lagu dilay seddax ruux, kuwaas oo 2 kamid ah ay ahaayeen ilaalada gaarka ah ee Taliyaha, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen Taliye Shub iyo xaaskiisa.

Leave A Reply

Your email address will not be published.