Hindiya iyo Pakistan oo Is-weydaarsaday Eedeymo Culus.

0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya ayaa sheegtay, inay u yeertay ku-simaha safiirka Pakistan, si ay ugu gudbiso cabasho adag oo ku saabsan waxa ay ku tilmaantay “dhaqan aan la aqbali karin oo aan xirfadeysnayn” oo ay muujiyeen cutubyo ka tirsan ciidamada badda Pakistan, taasoo keentay inay isku dhacaan, laba markab oo dagaal oo ay leeyihiin labada dal.

Dhankeeda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa sheegtay, inay u yeertay safiirka Hindiya ee dalkeeda, ayna u gudbisay cabasho adag oo ku saabsan tallaabo ay ku tilmaantay mid daandaansi oo kicin ah oo uu qaaday markab millatari oo ay Hindiya leedahay, kaas oo ay ku eedeysay, inuu gudaha usoo galay biyaha Paakistaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa intaas ku dartay, in markab Hindiya uu dhoola-tusyo cadawtooyo ku sameeyay meel u dhow markab ka tirsan ciidamada badda Pakistan, taasoo keentay in labada markab ay isku dhacaan.

Pakistan waxay dhacdadani ku tilmaamtay xadgudub culus oo ka dhan ah heshiiskii labada dal ee 1991, isla markaana ay khatar ku tahay inay sii kordhiso xiisadaha ka jira gobolka.

Tani waa xiisaddii ugu horreysay ee militari oo si cad u dhex marta labada dal, tan iyo markii uu sanadkii hore qarxay iska horimaad militari oo xooggan oo socday afar maalmood, ka hor inta aan la gaarin heshiis xabbad-joojin ah.

Warbaahinta ayaa ku warantay, inaysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay isku labada markab, halka aysan jirin ilo-madaxbanaan oo u kuur-galay dhacdadaas.

Leave A Reply

Your email address will not be published.