Al-Shabaab oo Xalay Weerarro Qaraxyo ah Ka Fuliyeen Gobollada Sh/Dhexe iyo Baay.
Haddaan ku horreyno gobolka Sh/dhexe, waxay xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab qarax ku weerareen, hoyga masuul katirsan maamulka degmada Jowhar ee gobolkaas.
Qaraxa ayaa lala beegsaday hoyga Maxamed Cabdi Sheekh Xaandooy oo ahaa Gudoomiye ku xigeenka maamulka degmada Jowhar, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaare nafeed.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhaawacmay laba kamid ah ilaalada masuulkan katirsan maamulka degmada Jowhar ee xarunta Sh/Dhexe.
Dhanka gobolka Baay, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay fuliyay weerar qarax ah oo khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka.
Qaraxa ayaa waxaa si gaar ah loola beegsaday saldhig ay ciidamada Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin magaalada Beydhabo oo ah xarunta gobolka Baay.
Hal askari oo kamid ah ciidankii saldhigga ku sugnaa ayaa lasoo warinayaa inuu ku dhaawacmay, weerarkaan qaraxa ah ee ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha magaalada Beydhabo.
Magaalada Beydhabo ayaa waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay ka dhacayay weeraro ay fulineyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyay askarta Dowladda Fedaraalka.
Dhinaca Sh/hoose, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday, xerada ay askarta shisheeye ee Uganda ku leeyihiin magaalada Buulomareer ee gobolkaas.
Isla Sh/hoose, waxay xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerareen, saldhig ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin degmada Jannaale.