In ka Badan 20 Ruux oo ku Geeriyootay Shil Gaari oo ka Dhacay Dalka Kenya.

0

Markale waxaa dalka Kenya ka dhacay shil gaari oo sababay khasaare nafeed oo baaxad leh, kaas oo ay ku nafwaayeen in ka badan 20 ruux.

Booliska dowladda Kenya ayaa waxay shaaca ka qaadeen, in ugu yaraan 24 ruux ay ku geeriyoodeen shil gaari oo ka dhacay wadada weyn ee isku xirta magaalada Nairobi oo ah caasimadda dalkaas iyo magaalo xeebeedka Mombasa.

Shilka ayaa yimid sida ay Boolisku sheegeen kadib markii ay isku dhaceen gaari rakaab siday iyo booyad shidaal, waxaana ka dhashay burbur baaxad leh oo soo gaaray gaadiidka isku dhacay si gaar ah kii rakaabka siday.

Taliyaha Booliska ee mandiqadda uu shilku ka dhacay ayaa saxaafadda u sheegay, in darawalka gaariga rakaabka ah uu isku dayay inuu xoog ku dhaafo gaari kale, taas oo sababtay inuu ku dhaco booyada shidaalka siday.

Waxa uu intaas ku daray in 23 ruux ay isla goobta ku geeriyoodeen kuwaas oo ay ku jireen saddex caruur ah, halka ruuxa 24aad uu ku geeriyooday isbitaal la dhigay.

Gaariga rakaabka ah ayaa kasoo baxay magaalada Nairobi isagoo ku sii jeeday magaalada Mombasa, waxaana intaas dheer oo shilka ku dhaawacmay 19 ruux, iyadoo mar waliba ay suuragal tahay inuu kordho khasaaraha dhimashada.

Shilkaan geystay khasaaraha baaxadda leh ayaa kusoo aadaya iyadoo maalmo kahor shil ka dhacay gudaha dalka Kenya ay ku nafwaayeen ugu yaraan sideed ruux, waxaana dalkaan ku badan shilalka nuucaan ah.

Leave A Reply

Your email address will not be published.