Ganacsade Soomaliyeed ayaa Lagu Afduubtay Dalka Koonfur Africa.

0

Wararka naga soo gaaray dalka Koonfur Afrika ayaa ku warramaya, in ganacsade Soomaaliyeed oo si weyn loo looga yaqaano gudaha dalkaasi gaar ahaa dhanka Soomaalida ku nool wadankaas laga afduubtay, magalada Johannesburg.

Ganacsadahaan oo lagu magacaabo Sheekh Cabdisalaam, ayaa waxaa subixii hore ee maalintii shalay ku soo weeraray goobtiisa ganacsiga kooxo Burcad ah oo halkaas ka afduubtay, waxaan ay burcadda dhaawac gaarsiyeen mid kamid ah raggii goobka ka shaqeynayay.

Lama oga illaa iyo hadda halka ay kooxahaan burcadda ah la adeen ganacsadahan Soomaaliyeed.

Dalka koonfur Africa waxaa mudooyinkii dambe ka jiray qalalaaso looga soo hor jeedo dadka soo galootiga ah, waxaana dibadbaxyo ay sameyeen dadka Koonfur africaanka ah ay waxyeello gaarsiyeen dadbadan oo Soogalooti ah oo ay Soomaalida kamid tahay.

Todobaad ka hor ayee ahayd markii wiil Soomaali ah, ay kooxo dibadbaxyaal ah ku garaceen, suuqa Ganacsiga ee ku yaalla xarunta Takaasida ee xaafadda Bellville ee magaalada Keeb-tawn, iyagoona u geystay dhaawac daran.

Leave A Reply

Your email address will not be published.