Yahuudda Xoogga Loogu Deegaamayay Dhulka Falastiin oo Tacadiyaad Xooggan ka Geystay Daanta Galbeed.

0

Habeenkii xalay Sahaayinada xoogga loogu deegaamayay dhulka Falastiin ayaa waxa ay xilli dambe weeraro ka geysteen, tuulooyinka Talfiit iyo Jaaluud oo dhaca koonfurta magaalada Nabulis ee Daanta-galbeed oo ay gumeysato Yahuudda.

Ila wareedyo maxalli ah ayaa soo tabinaya, in kooxaha Yahuudda ay ay weerareen deegaannadaas, iyagoo halkaasi ka geystay falal kharbudaad iyo cabsi galin isugu jira.

Waxay si ula-kac ah ugubeen qaar kamid ah gaadiidka ay leeyihiin Muslimiinta Falastiin, waxaana muuqaal la baahiyay uu muujinayaa dhowr gaadiid ah oo gubanaya.

Tallaabadaan ayaa qeyb ka ah silsilado xadgudubyo ah oo mudooyinkii lasoo dhaafay ay Sahaayinada xoogga loogu deegaamayay dhulalka Muslimiinta iyo ciidanka Yahuuudduba ka wadeen Daanta-galbeed.

Leave A Reply

Your email address will not be published.