Ciidamada Dawlada Itoobiya oo Mar kale Weeraro La Beegsaday Shacabka Soomaali Galbeed.

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka faafan ee dhulka Soomaali Galbeed ee ku hoos jira gumeysiga dowladda Itoobiya ayaa ku warramaya, in ciidamada Itoobiya ay halkaasi ka geysanayaan weerarro ay ku bartilmaameedsanayaan shacabka Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan.

Tuulooyin ka tirsan gobolka Faafan ayey xoguhu tilmaamayaan in ay si gaar ah u bartilmaameedsanaayeen ciidamda Itoobiya, ilo wareedyo ku sugan gobolka ayaana waxay sheegeen in maalmihii lasoo dhaafay ay ciidamda Itoobiya werarayeen goobo ku yaalla degmada Baabili ee gobalka Faafan.

Wararka ayaa waxa ay sidoo kale tilmaamaya in dadka deegaanka ay iska caabiyeen weerarrada gardarada ah ee ay soo qaadayaan ciidamada Itoobiya balsa askarta Itoobiya oo tiro ahaan ka badnaa shacabka iska caabinta sameeyay ayaa jihooyin kala duwan ka weeraray degaanka, waxaan la sheegay in u jeedkoodu uu ahaa in ay Degmada Baabili ay ku daraan wadankooda, isla markaan ay ka saaraan dhulka Soomaali Galbeed.

Shacabka gobolka oo dareemaya amni darro ayaa waxa ay qeyla dhaan u dirsadeen maamulka maqaaar saarka ee Mustafaa Cagjar balsa ma jirto wax jawaab ah oo uu maamulka ka bixiyay codsiga shacabka.

Iyadoo ay xaalada amni ee shacabka ku dhaqan gobolkaa Faaafan sidaasi tahay, ayaa waxaa dhanka kale waxay dadka shacabka ah la dhibban yihiin biyo la’aan baahsan oo ka jirta degaanadooda, Maamulka Itoobiya taabacsan ee halkaas ka dhisanna ma jirto wax gurmad ah oo uu shacabka Dhibaateesan u fidiyay.

Leave A Reply

Your email address will not be published.