Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya oo Xaraashaya Agabyadii iyo Hantidii u Taalay Soomaaliya.
Xili quus xoogan laga muujinayo duulaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya, ayaa waxa uu bilaabay Xafiiska Qaramda Midoobe u qaabilsanaa soomaaliya ee loogu yeero UNSOS, qorshe lagu xaraashayo agabyada iyo hantidda qaramada midoobe u taala xafiiskeeda.
Qoraal ogeysiis ah oo lagu daabacay UN Global Marketplace ayee UNSOS ku sheegtay inay raadineso shirkad wax xaraashta oo ruqsad heysata isla markaan ka howlgasho gudaha soomaaliya, loona xilsaaro in ay xaraashto hantida Qaramada Midoobay ee u taalla Soomaaliya.
Agabyada uu Xafiiska xaraashayo ayaa waxa kamid ah gaadiidka noocyadiisa kala duwan, Computarada, laptobyad, qalabka shabakadaha, taleefoonnada, qalabka korontada, qalabka xafiisyada, konteenarro 20 iyo 40 fuudh ah, taawarro ilaalin, matoorro, qalabka caafimaadka shaybaarro, qalabka jikada iyo mashiinno culus oo dhismaha loo isticmaalo.
Xafiiska UNSOS ayaa waxa uu shirkadaha danaynayo xaraashkeeda ku wargaliyay, in ay soo gudbiyaan qandaraaskooda, isgoona tilmaamtay in uu qadaraaska socon doono ilaa iyo saddax bilood, adeegyada shirkada hadii ay ku qancaana ay ukordhin doonaan qandaraaska, hadii ay baahidu sii jirto.
Falanqeyaasha ayaa waxa ay go’aankaan ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ku sifeeyee, mid ay ka muuqato quus iyo in laga rajo dhigay tageerada Dawlada Fadaraalka iyo taakuleenta iyo maalgalinta duulaanka Midowga Africa.
Tan ayaa waxa ay ku soo aadesaa xili taageerada melletari ee duulaanka AUSSOM iyo hay’ada qaramada midoobe ee soomaaliya ee loogu yeero UNSOS uu wajahayo isbadallo waaweyn, Mareykanaka ayaa dhawaan si cad u shaciyay in dhammaadkan sannadkan uu joojinaayo taageerada dhaqaale ee AUSSOM.
Dalalka ay ciidamadooda dulaanka ku joogaan Soomaaliya oo mudooyinkii la soo dhaafay waday qorshayaal ay kudoonayaan in lagu qanciyo Mareykanka iyo Qaramada Midoobe ayaa fashil ku soo dhamaaday.