Ciidamada Shisheeye oo Loogu Baaqay Iney Lafahooda Badbaadsadaan Kadib Dhammaadka 2026-ka. [Warbixin]

0

Machadka Amani Africa ee daraasaadka amniga iyo siyaasadda ayaa ka digay xaaladda sii adkaanaysa ee haysata duullaanka Midowga Afrika ee loo soo gaabiyo AUSSOM, gaar ahaan marka la gaaro dhammaadka sanadka 2026.

Warbixin uu machadku soo saaray kadib shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa lagu sheegay, in aan laga gaarin qorshe mideysan oo cad oo lagu wajahayo mustaqbalka duullaanka marka ay dhammaato taageerada Qaramada Midoobay.

Machadka ayaa sheega in dalalka ciidamada ku leh AUSSOM ay hadda u baahan yihiin inay diyaarsadaan qorshayaal u gaar ah oo ay kaga jawaabayaan xaaladda, haddii duullaanka uu wajaho dhammaad lama filaan ah iyo xaalado kadis ah.

Arrintan ayaa si weyn ugu xiran mustaqbalka Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, UNSOS, kaas oo ay sheegeen inuu door muhiim ah ka qaato taageerada saadka iyo hawlgallada ciidamada AUSSOM.

Warbixintu waxay sheegtay in 1-dii Luulyo 2026, Ergeyga Maraykanka ee Midowga Afrika uu Guddiga Midowga Afrika ku wargeliyay in Washington aysan taageeri doonin sii socoshada UNSOS, wixii ka dambeeya 31-ka Diseembar 2026.

Sidoo kale, Mareykanku wuxuu sheegay inuusan taageeri doonin qaraar cusub oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku ansixinayo, in UNSOS sii waddo taageerada saadka iyo hawlgallada ciidamada soo duulayaasha ah ee AUSSOM.

Amani Africa waxay xustay in digniino ku saabsan baahida loo qabo qorshe kale ay jireen muddo ka hor inta aan Mareykanku soo dirin warqaddaas, balse talooyinkaas aan si ku filan loo hirgelin.

Machadku wuxuu sheegay in Golaha la baxay Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika uu bishii Diseembar 2025 tixgeliyay saddex ikhtiyaar oo ku saabsan mustaqbalka AUSSOM, isla markaana uu Guddiga Midowga Afrika ka dalbaday inuu kulan degdeg ah la yeesho dalalka ciidamada ku biiriya duullaanka, si ay u qiimeeyaan ikhtiyaarradaas una soo gudbiyaan talooyin.

Hase yeeshee, sida warbixintu tilmaamayso, tallaabooyinkii loo baahnaa lama qaadin ka hor inta uusan soo bixin mowqifka cusub ee Mareykanka.

Inkasta oo AUSSOM laga yaabo in loo kordhiyo muddada ay shaqaynayso wixii ka dambeeya Diseembar 2026, haddana Amani Africa waxay sheegtay in caqabadda ugu weyn ay tahay in la waayo nidaamkii saadka ee ay ciidamada Afrikaanka ahi ku tiirsanaayeen.

Machadku wuxuu carrabka ku adkeeyay in UNSOS aysan ahayn oo keliya hay’ad maamul ama farsamo, balse ay tahay buu yiri, qayb muhiim ah oo awood u siinaysa AUSSOM inay si buuxda uga fuliso Soomaaliya hawlgallo militari.

Sidaa darteed, haddii UNSOS uu waqtigoodu dhammaado iyadoo aan la helin nidaam kale oo beddela, waxaa adkaan karta in AUSSOM ay si caadi ah u sii waddo hawlgalladeeda iyo joogitaankeeda Soomaaliya.

Shirkii Kampala ayaa markii hore loogu talagalay in lagu diyaariyo qorshe mideysan oo ku saabsan mustaqbalka AUSSOM. Hase yeeshee, natiijada shirka ayaa noqotay baaq ku saabsan in la dhiso awood wadajir ah oo taageerta duullaanka.

Dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM waxay sidoo kale soo jeediyeen in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu sii wado taageero aan kala go’ lahayn muddo u dhexeysa 18 ilaa 24 bilood, si loogu suurtageliyo Dowladda Federaalka inay si tartiib ah isugu filnaan karto.

Dalalka ciidamada ku leh AUSSOM ayaa wasiirradooda arrimaha dibadda u xil saaray inay dhisaan Guddi Hawleed Wadajir ah oo raadiya maalgelin la saadaalin karo oo waarta.

Waxaa sidoo kale qorshuhu yahay in la qabto shir ay isugu yimaadaan dalalkii hore u maalgelin jiray hawlgallada duullaan ee ciidamada Afrika iyo hay’adaha kale ee taageera AUSSOM, si loo raadiyo dhaqaale iyo taageero kale oo duullaanku u baahan yahay.

Hase yeeshee, Amani Africa waxay xustay in isku-day hore oo dhaqaale loogu raadinayay duullaanka uu natiijo kooban keenay.

Bishii Sebtembar 2025, shir heer sare ah oo loogu raadinaayay AUSSOM maalgelin ayaa lagu ururiyay ku dhowaad 44 milyan oo doollar, balse lacagtaas ayaa aad uga hoosaysay baahida dhabta ah ee duullaanka.

Sababtaas awgeed, dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM ayaa lagu qasbay inay qayb ka mid ah kharashaadka hawlgalka iska bixiyaan maadaama intooda badan ay sheegeen iney Soomaaliya u joogaan sidii kor loogu qaadi lahaa diinta Kiristaanka.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in dadaallo kale oo dhaqaale lagu raadinayay ay fashilmeen, kadib markii lacagtii loo baahnaa laga heli waayay dalal iyo hey’ado rajooyin waaweyn laga qabay.

Machadku wuxuu sheegay in aysan jirin sabab weyn oo loo filan karo in olole kale oo dhaqaale ururin ah uu si weyn wax uga beddelo xaaladda, iyadoo mudnaanta bahwadaagta caalamka ay isbeddeshay, isla markaana uu hoos u dhacay is-afgaradkii siyaasadeed ee jiray markii duullaanka Midowga Afrika laga hirgeliyay Soomaaliya labaatan sano ka hor.

Sidaas darteed, qorshaha ay dalalka AUSSOM soo jeediyeen ee ah in duullaanka la sii wado 18 ilaa 24 bilood ayaa weli ku xiran helitaanka dhaqaale iyo taageero saadka oo aan hadda la hubin.

Amani Africa waxay sheegtay in waxa ugu muhiimsan ay tahay in laga hortago burbur lama filaan ah oo ku yimaada AUSSOM, kaas oo halis gelin kara dadaalladii iyo naf-hurnimadii kumannaan askari oo Afrikaan ah oo ku dhintay duullaanka Soomaaliya sida ku xusan warbixinta.

Machadku wuxuu qiimeeyay in haddii aysan suuragal ahayn in la helo maalgelinta iyo taageerada saadka ee 18 ilaa 24-ka bilood, mudnaanta la siin karo qorshe kala-guur ah oo nidaamsan, kaas oo socon kara muddo u dhexeysa 6 ilaa 12 bilood, kadibna si tartiib ah loogu soo afjaro duullaanka.

Amani Africa waxay sidoo kale soo dhaweysay hadal uu shirkii Kampala ka hor jeediyay Ku-xigeenka Xoghayaha Fulinta ee IGAD, Maxamed Cabdi Waare, kaas oo ku baaqay in Dowladda Fedaraalka sida ugu dhakhsaha badan ula wareegto mas’uuliyadda ammaankeeda.

Dhanka kale, warbixintu waxay tilmaantay in khilaafka siyaasadeed ee Dowladda Fedaraalka iyo Mucaaradka uu yahay arrin kale oo sii adkaynaysa qorshaha kala-guurka.

Qodob ku saabsan khilaafka siyaasadeed ayaa laga saaray bayaankii Kampala kadib codsi ka yimid Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh.

Amani Africa waxay xustay in xaaladdan ay xitaa suuragal ka dhigi karto inaan la helin muddada kala-guurka ee 6-da ilaa 12-ka bilood ah.

Machadku wuxuu horey u soo jeediyay in la tixgeliyo xaaladda ugu adag, oo ah in AUSSOM ay Soomaaliya ka baxdo Diseembar 2026.

Warbixinta ugu dambeysa ayaa ku soo gabagabaysay in Midowga Afrika iyo shirkii Kampala aysan weli soo saarin qorshe wadajir ah oo loogu diyaar garoobayo xaaladdaas.

Sidaas darteed, Amani Africa waxay ku talisay in dal kasta oo ciidamadiisu qayb ka yihiin AUSSOM uu si gaar ah u diyaarsado qorshe degdeg ah oo uu kaga jawaabayo haddii duullaanka uu wajaho xaaladda ugu xun.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.