Khasaaro kala duwan oo ka Dhashay Shil Gaari oo ka Dhacay Dalka Kenya.
Ugu yaraan 13 ruux ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay degaanka Riting ee dalka Kenya, kaasoo yimid kadib markii ay isku dhaceen labo bas kuwaas oo ay saarnaayeen in ka badan 100 ruux, sida lagu sheegey war kasoo baxay hay’ada salibka gaduudan ee dalkaasi Kenya.
Dadkaan ay soo gaareen dhaawacyada kala duwan ayaa waxaa lagu warramayaa in ay kala yihiin lix rag ah iyo todobo dumar ah, kuwaasoo dhaamaantooda la geeyay xarumaha caaafimad si lola tacaalo dhaawacyadooda.
Waaxaa mudooyinkii dambe si aad ah usii xoogeysanaayay shilalka gaadiidka ee ka dhacaya dalkaasi kenya, kuwaas oo ay ku le’deen dad badan qaar kale ku dhaawacmeen.
Kenya ayaa kamid ah wadada ugu shilalka badan qaaradda Afrika, waxaana sanad kasta laga diiwaangeliyaa kiisas la xiriira dhacdooyinka shilalka oo aad u fara badan.