Ku Dhawaad 10 Askari oo DF Looga Dhaawacay Qaraxyo ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

0

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weeraro qaraxyo ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen degmooyin katirsan magaalada Muqdisho, kuwaas oo lala beegsaday askarta Dowladda Fedaraalka.

Mid kamid ah qaraxyadaan ayaa waxaa lala beegsaday saldhig ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin degmada Kaaraan ee magaalada Muqisho.

Ugu yaraan shan askari ayaa la xaqiijiyay iney ku dhaawacmeen weerarkaan qaraxa ah ee ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen degmada Kaaraan.

Sidoo lale waxaa xog dheeraad ah laga helayaa weerar qarax ah oo xalay askarta Dowladda Fedaraalka lagula beegsaday degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho.

Xogta la helayo ayaa sheegeysa in qaraxaasi Dowladda Fedaraalka looga dhaawacay laba askari

Leave A Reply

Your email address will not be published.