Dab Xooggan oo Wali ku Faafaya Dhul-ballaaran oo Katirsan Dalka Al-Jeeriya.

0

Qeybo badan oo kamid ah Dalka Al-Jeeriya waxaa kusii faafaya dab xooggan oo geystayy khasaare kala duwan oo naf iyo maalba leh, kaas oo hadda kusii fidaya xaafado la dagan yahay oo ku yaalla gudaha dalkaas.

In ka badan 100 ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku dhaawacmeen dabkaan, halka ay waxyeello xooggan soo gaaray wax ka badan 150 guri oo ku yaalla woqooyi-bari ee dalka Al-Jeeriya.

Sawirrada iyo muuqaallada ka imaanaya dalka Al-Jeeriya ayaa muujinaya baaxadda dabkaan iyo sida uu ubaahayo, xilli lagu guuleysan la’yahay damintiisa.

Talaaladii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Al-Jeeriya ayaa shaacisay, in la diiwaan galiyay dhimashada 6 ruux, waxaana uu dabku si isku mid ah uga socdaa illaa 24 gobol oo ku yaalla dalka Al-Jeeriya.

Leave A Reply

Your email address will not be published.