Bankiga Adduunka oo Baahiyay Warbixin Sheegeysa in Soomaaliya Moos Looga Soo Dhoofiyo Dalka Kenya.

0

Xilli beeraleyda Soomaaliyeed ay wajahayaan caqabado xooggan oo la sheegay iney hormuud ka yihiin ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga dalka iyo Dowladda Fedaraalka, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in suuqyada Muqdisho uu soo gaaray Moos laga soo dhoofiyay dalka Kenya kaas oo doonyo lagu soo mariyay dhanka badda.

Warbixjin uu soo saaray bangiga adduunka ayaa lagu sheegay, in Soomaaliya ay kaalmaha hore ka gashay dalalka loosoo dhoofiyo Moos laga keenay Kenya, taas oo hadal heyn badan ka dhalisay gudaha dalka.

Sida ku cad warbixinta, Kenya waxay Soomaaliya usoo dhuufisay sanadkii 2024-kii Moos dhan qiyaastii 1058-kg, taas oo ay xukuumadda Nairobi ka faa’iiday lacag dhan 64,000 oo Doollarka Mareykanka ah.

Kenya oo kaliya ma ahane waxay sidoo kale warbixintu xustay in Soomaaliya Moos looga soo dhoofiyo Itoobiya, Mooska labadaan dal laga soo dhoofiyay ayaana qiimihiisa lagu sheegay 2.84 Milyan oo Doollar, Itoobiya ayaana ah tan ugu badan ee heshay faa’iidada arrinkaas.

Dowladda Fedaraalka ayaa war kasoo saartay warbixinta kasoo baxday bangiga adduunka, waxaana war kasoo baxay wasaaradda beeraha ee xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Sheekh lagu beeniyay wararka sheegaya, in Moos laga keenay Kenya lagu iibiyo suuqyada magaalada Muqdisho.

Warka kasoo baxay Dowladda Fedaraalka waxaa ka hor imaanaya muuqaallo horay ugu baahay baraha Internetka, kuwaas oo muujinaya Moos laga keenay Kenya oo lasoo galinayo gudaha dalka.

Muuqaallada oo la baahiyay sanadkii 2024-kii – oo ah sanadka ku xusan warbixinta bangiga adduunka ayaa waxay muujinayaan, gaadiid xamuul ah oo safan qeybo kamid ah xeebaha Soomaaliya, kaas oo lagu rarayo Moos doonyo lagu keenay oo la sheegay in laga soo dhoofiyay Kenya.Cod

Dalka Soomaaliya waxa uu leeyahay wax-soo-saar badan oo ay kamid yihiin khudaarta iyo dalagyada kale, Mooskuna waxa uu kamid yahay dalagyada muhiimka ah ee sida weyn uga baxa dalka. In hadda Moos loosoo dhoofiyo dalka ayaa waxay bulshada qaar ku tilmaameen arrin lasii odrosayay, maadaama horay loo arkay khudaar iyo waxyaabo kale oo dalka laga heli karo oo laga soo dhoofiyay dalka dibaddiisa.

Gobolka Sh/hoose waxa uu kamid yahay gobollada hodanka ku ah dhul-beereedka ee ku yaalla Soomaaliya, waxaana degmooyin muhiim ah oo ku yaalla gobolkaan duullaan ku heysta ciidamada shisheeye ee Uganda, kuwaas oo burburiyay islamarkaana xerooyin ciidan ka dhigtay beero badan oo ay lahaayeen dad Soomaaliyeed, dhawaan ayayna aheyd markii ciidamadaan iyo kuwa Dowladda Fedaraalka lagu eedeeyay iney dhulka ku dareen dhul-beereed baaxad-leh oo ku yaalla deegaan hoostaga degmada Jannaale ee gobolka Sh/hoose.

Waxaa intaa dheer isbaarooyinka xad-dhaafka ah ee ay ciidamada Dowladda Fedaraalka dhigteen wadooyinka muhiimka ah ee aada magaalooyinka waaweyn ee dalka sida Muqdisho, halkaas oo iyana kamid ah caqabadaha hortaagan in horumar laga gaaro dalagyada kasoo go’a dalka, maadaama khudaarta oo muddo ku xayiran isbaarooyinkaas ay khasaare dhaxalsiineyso beeraleyda iyo dadka iisbaday intaba.

Leave A Reply

Your email address will not be published.