Dagaallo Khasaare Lagu Gaarsiiyay Ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa ka Dhacay Gobolka Hiiraan.
Maanta waxay dagaallo khasaare dhaliyay oo u dhaxeeyey ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Fedaraalka ka dhaceen, duleedka deegaanka Teedaan oo katirsan gobolka Hiiraan ee bartmaha Soomaaliya.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo warinayaa in la gaarsiiyay, ciidamada Dowladda Fedaraalka ee uu maanta dagaalka ku qabsaday duleedka deegaanka Teedaan.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalladaan Dowladda Fedaraalka looga dilay laba askari oo uu midi sarkaal yahay, halka looga dhaawacay tiro kale kuwaas oo aan wali la cayimin.
Waxaa intaa dheer oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab dagaalladii maanta kusoo furteen laba qori oo kala ah RBG iyo AK-47 iyo booshashkooda.
Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxa usuura gashay iney hesho magacyada askarta lagu dilay dagaallada, kuwaas oo kala ah Xusuleey Faarax Cilmi Ciyow oo ahaa sarkaal katirsan Dowladda Fedaraalka, iyo askari lagu magacaabo Cali Xasan Cilmi oo ku magac dheer Cali Jareere.
13-kii bishaan July ayay aheyd markii dagaallo lagu jabiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka oo ka dhacay isla duleedka deegaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan lagu dilay sarkaal iyo laba askari, kaas oo sidoo kale lagu dhaawacay saddex askari.