Ku Dhawaad 10 Ruux oo ay ku Jiraan Askar Ameerikaan ah oo ku Nafwaayay Shil Diyaaradeed oo ka Dhacay Kenya.

0

Dalka Kenya waxaa saacadihii lasoo dhaafay kadhacay shil diyaaradeed oo ay ku dhinteen dhawr askari oo Ameerikaan ah iyo sarkaal sare oo ka tirsanaa mukhaabaraadka dalka Iquwadoor, kuwaas oo iskaga kala gooshayay Gobalada dalka Kenya.

Toddobo qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Samburu ee waqooyiga Kenya, kadib markii diyaarad nooca Helikobtar-ka ah oo ay saarnaayeen ay ku burburtay dhul buuraley ah.

Sida ay sheegtay Hay’adda Duulista Rayidka Kenya, diyaaradda oo ahayd nooca Helikobtar-ka ayaa xilliga shilku dhacayay ka soo duushay goob xayawaanada lagu xanaaneeyo, iyaga oo ku sii jeedday goob dalxiis oo ku taalla isla gobalka.

Goobta uu shilku ka dhacay ayaa ah dhul aad u fog oo ay adag tahay in si fudud loo gaaro, waxaana halkaasi laga soo sheegay qiiq iyo dab ka dhashay burburka diyaaradda. Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in helicopter-ku ku dhacay dhul buuraleey ah oo ku taalla deegaan caan ku ah dalxiiska, gaar ahaan duurjoogta iyo muuqaalka dabiiciga ah ee buuraha.

Booliiska Kenya ayaa markii dambe xaqiijiyay in dhammaan toddobadii qof ee diyaaradda saarnaa ay ku dhinteen shilka.  Ilaa hadda, faahfaahin dheeraad ah lagama hayo waxa sababay in diyaaradan burburto.

Kenya ayaa waayadan dambe wajahays koror ku yimi shilalka gawaarida iyo diyaaradaha, waxaana dhacdooyinkan ku nafwaayay tiro badan oo kenyaan ah, xili uu dalkaasi ku jiro xaalado adag oo dhanka nolosha ah, taas oo ugu wacan tahay loolanka siyaasadeed ee ka jira hoggaanka dalka.

Leave A Reply

Your email address will not be published.